Khuburada Ku Xeel Dheer Arimaha Caafimaadka Oo Digniin xagga Caafimaadka Ka Bixiyay Saameynta Ay leedahay Cabista Shiishada.

0
Thursday April 28, 2016 - 15:16:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khuburada Ku Xeel Dheer Arimaha Caafimaadka Oo Digniin xagga Caafimaadka Ka Bixiyay Saameynta Ay leedahay Cabista Shiishada.

    Mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii kordhayeen dadka aad isticmaala balwada shiishada ama badeecada isla markaana kuwa badan ay u arkaan nooc ka mid ah reer magaalnimada ayaa waxaa hadana taasi ku lamaansan halista dhanka caafimaadka & waxyeelada ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii kordhayeen dadka aad isticmaala balwada shiishada ama badeecada isla markaana kuwa badan ay u arkaan nooc ka mid ah reer magaalnimada ayaa waxaa hadana taasi ku lamaansan halista dhanka caafimaadka & waxyeelada ay sababto.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Qurbaha ayaa xiligan waxay aad u istcimaalaan shiishada ama badeecada iyadoo ay sii kordhayaan haweenka da’yarta ah ee ay jiidanayso balwadani kuwaasi oo aan qarsaneyn balwadaasi.

Arimaha dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay ku wareersan yihiin ayaa ah waxyeelada Shiishada dhuuqisteeda ay xambaarsan tahay iyagoo iska dhaadhiciyey sheeko mala awaal ah oo marqaan rimis ah oo ah in Shiishadu ama badeecadu ka halis yar tahay sigaarka iyagoo ku andacooda in biyaha uu soo marayo qiiqu Shiishadu ay nadiifiyaan nicotine-ka ay xambaarsan tahay Shiishada waxaase arimahaasi gaashaanka ku dhuftey caafimaadyaqaanka oo sheegay in Shiishadu qofku maalintii cabo ay u dhiganato 100 xabo oo sigaar ah qof cabay maalintii.

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxdey isla markaana lagu daabacay website-ka ka faalooda arimaha caafimaadka ee lagu magacaabo Life Science ayaa lagu xaqiijiyey in biyaha ku jira Shiishada la dhuuqo ay la waxyeelo le’egyihiin Sigaarka isla markaana ay biyahaasi wataan carbon monoxide iyadoo tuubooyinka uu soo maro qiiqa Shiishada la sheegay in laga qaadi karo cuduro uu ka mid yahay Kansarka.

Cilmibaare u dhashay wadanka Mareykanka oo u xilsaaran culuunta ku aadan dabagalka cudurka Cansarka kana tirsan urur lagu magacaabo the center of Wake Forest Baptist Medical Warren Sutphin ayaa sheegay in da’yar fara badan ay ka qabaan fikir qaldan waxyeelada Shiishada iyagoo sheega inay ka waxyeelo yar tahay Sigaarka taasi oo uu sheegay inay tahay sheeko iska dhaadhicin ah.

Cilmibaarayaal ka tirsan 8 Jaamacadoodoo ku yaal gobolka North Carolina ee wadanka Mareykanka ayaa sheegay in 40.3%dhalinyarada ku dhaqan gaar ahaan ardeyda sadex meelood oo meel ay dhuuqaan Shiishada iyagoo Tobaako ku darsanaya halka 46.6% ay sigaar cabaan.

Daraasada waxaa lagu ogaaday in 25%ardeydu xiligan sigaar dhuuqaan halka 17.4% ay Shiishada cabaan waxaana badi tiradaasi la sheegay inay u badan yihiin Labka da’yarta ah.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Baararka & Maqaayadaha Shiishada lagu cabo aan si wanaagsan loo nadiifin iyadoo ay dhici karto inay tuubooyinka lagu dhuuqo Shiishada ama Badeecada ay xambaarsan yihiin cuduro wata infection iyo bacteria Sababi karta saameyn dhanka caafimaadka ah oo ku timaada dhanka sambabada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip