Cilmi-baaris Dhawaan Lasameeyay Ayaa Lagu Ogaaday Saameyn Ay Cabista Shiishada Ama Badeecada Uleedahay Dadka Isticmaala.

0
Thursday April 28, 2016 - 15:09:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Cilmi-baaris Dhawaan Lasameeyay Ayaa Lagu Ogaaday Saameyn Ay Cabista Shiishada Ama Badeecada Uleedahay Dadka Isticmaala.

    Khubarada caafimaadka dunida ee dhinaca caafimaadka aadamaha aqoonta u leh waxy mar waliba soo saran daraasado cusub oo ay xeel dherayaashaasi kaga hadlaan saameynta ay bulshada ku lee dahay cabista shiishada ka dib markii baadhis dheer oo dhinacyo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khubarada caafimaadka dunida ee dhinaca caafimaadka aadamaha aqoonta u leh waxy mar waliba soo saran daraasado cusub oo ay xeel dherayaashaasi kaga hadlaan saameynta ay bulshada ku lee dahay cabista shiishada ka dib markii baadhis dheer oo dhinacyo kala duwan qaadatay ay wadeen mudo.

Ujeedooyinka baadhitaanadda ah in lagu ogaado, waxyaabaha ku cusub caafimaadka iyo daweynta dunidda, in la helo xanuuno halis ku ah aadamaha dawooyinkooda, in la ogaado waxyaabaha lagaga gaashaman karo halista ku soo fool leh iyo caafimaadka guud ee qofka iyo guud ahaan mushtamaca.

Todobaadkan ayaa haddaba warbixintii caafimaad ee u danbaysay ay shaaca ka qaaday halista ku aasan Badeecadda (Shiishadda) taas oo sida khabiiradu sheegeen, caafimaadka dhibaato balaadhan soo gaadhsiisa.

waxa warbixintaa lagu xusay, in halistani bariisatay oo la daristay haweenka, ka dib markii sidii la sheegay ay raggu intooda badan ka tanaasuleen cabista badeecadda Sigaarka, Badeecadda iyo dhamaan waxyaabaha la qiijiyo ee laga sameeyo Buuriga (Tobacco) ayaa waxyeeleeya caafimaadka qofka.

Warbixintan caafimaad ee dhawaan la sameeyay, ayaa shaaca ka qaaday in wadamada loogu isticmaalka badan yahay, Shiishadda ay kow ka yihiin wadamadda Carabta iyo afrika iyo waliba dallal badan oo ka tirsan Yurub Iyo Aasiya.

Cimi-baarayaasha caafimaad ayaa ka digay dhibaatadda ay hooyadda u leeyihiin dhuuqista Tubaakada-da iyo alkoolka oo keeni kara iney ilmuhu dhashaan wakhti ka horeeyay xiligii loogu talagalay, sidoo kale waxay ku keeni kartaa in caruurtu ka qubato amaba ay dhicis noqdaan hooyadda isticmaasha Shiishada Ama Badeecada.

Dardaaranka ugu wayn ee khubaradan caafimaad ayaa ah in la yareeyo isticmaalka Shiishadda (Badeecadda) ee Haweenka. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtani kula talinayaan haweenka qabatimay Qiiqa noocyadda kala duwan ee Buuriga ama tubaakada iney sameeyaan dedaalo badan oo ay ku hakin karaan, iyagoo talooyin caafimaad oo dhinacyo badan taabanaya ay siinayaa, sida Isticmaalka biyaha oo marka xaraaradu qabato looga baahan yahay in ay ku bedelaan koob biyo ah, kaas oo la hubo in ay la qabsan doonaan, mudo marka ay sidaa ku wadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip