Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Bogaadin u jeediyay Ciidamada xooga dalka ee ku sugan duleedka Deynuunaay

0
Wednesday April 27, 2016 - 07:20:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Bogaadin u jeediyay Ciidamada xooga dalka ee ku sugan duleedka Deynuunaay

    Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed ayaa lagu amaaney Sida ay Ciidamada xooga dalka u fashiliyeen weerarkii Nafla caariga ahaa ee maleyshiyada kooxda al-shabaab ay ku qaadeen degaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed ayaa lagu amaaney Sida ay Ciidamada xooga dalka u fashiliyeen weerarkii Nafla caariga ahaa ee maleyshiyada kooxda al-shabaab ay ku qaadeen degaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa sheegey in ciidamada ay halkaasi ku dileen maleyshiyaad gaaraya 25 isagoona xusey in kuwa kale nolosha lagu qabtey

S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed waxa uu sidoo kale sheegey in mudooyinkii dambe ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee Amison ku sii fidayeen deegaano ay ku sugnayeen kooxda al-shabaab waxa uuna tilmaamey al-shabaab hada ku dhuumaleysanyaan dhulka hoodka ah loogana daba tagidoono mudo dhaw.

Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed ayaa waxa uu sidoo kale ka Hadley la wareegidii ciidamada xooga dalka soomaaliyed ay kala wareegeen Al-shabaab degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose Ciidamada ayaa halkaasi tagey iyagoo aan wax iska cabin ah kala kulmin maleyshiyada kooxda shabaab sidoo kale ciidamada ayaa qabsadey degaanka Janaale,

Taliyaha ciidanka xooga dalka S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed ayaa sheegey in howlgalka lagula jiro koox al-shabaab uu sii socon doono ilaa guud ahaan dalka laga saarayo aragagexesada waxa uuna ciidamada xooga dalka iyo kuwa Amison kula dardaarmey meel walba cadowga al-shabaab lagu sheego in ay tagaan

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip