Maleyshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo lagu diley deegaanka Daynuunaay

0
Tuesday April 26, 2016 - 17:58:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleyshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo lagu diley deegaanka Daynuunaay

    Maleyshiyo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa Saaka aroortii hore weerar ku qaaday saldhig ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleyshiyo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa Saaka aroortii hore weerar ku qaaday saldhig ciidanka dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Weerarka naflacariga ee Al-Shabaab ayaa waxaa ka hortagay Ciidanka xoogga Dalka Somaliyeed, kuwaasi oo khasaaro badan gaarsiiyay Shababkii Weerarka ku soo qaaday.

Abaanduulaha qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ismaaciil Qaliif Shire ayaa wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA u xaqiijiyay in Ciidanka Qaranka ay fashiliyeen qorshaha ay damacnaayeen Al-shabab.

Abaanduulaha waxaa kaloo uu sheegay in Ciidanka Qaranka ay dileen 20-ka tirsan Shabaab duulaanka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay iney Al-Shabaab ka dileen tiro maleyshiyaad ah , isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan deegaanka Daynuunay.

Ciidamo gurmad ahaa oo ka baxay Baydhabo ayaa wadada loogu galay agagaarka deegaanka Maya-fuulka ee duleedka Baydhabo, waxaana halkaas lagu dilay illaa shan askari.

Kulamo ammaanka iyo weerarkii saaka Al-Shabaab ku soo qaaday Daynuunay ayaa ka socda magaalada Baydhabo, waxaana kulanka ka qeyb qaadanaya Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip