Wasiirka amniga gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo si wadajir ah u furey shir looga hadlayo qaab dhismeedka ciidanka booliska

0
Tuesday April 26, 2016 - 15:51:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka amniga gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo si wadajir ah u furey shir looga hadlayo qaab dhismeedka ciidanka booliska

    Wasiirka amniga gudaha mudane C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta u amba baxay magaalada Jibuuti ee Xarunta dalka Jibuuti, waxaana tababar ay ugu soo xiri doonaan da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga gudaha mudane C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta u amba baxay magaalada Jibuuti ee Xarunta dalka Jibuuti, waxaana tababar ay ugu soo xiri doonaan dalkaasi Ciidamo Boliis ah oo tababar halkaasi uga socdo.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka ugu warbixiyay safarka maanta ay ugu ambabaxeen Dalka Jibuuti, isagoo sheegau in halkaasi ay u aadayaan arrimo la xiriira dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay in Tababar ay ugu soo xiraan dalkaasi ciidamo ka tirsan Boliiska oo tababar halkaasi uu ugu socday.

"Waxaan ugu soconaa Jibuuti tababar in aan u soo xirno ciidamo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tababar oo tababar wadankaasi uu ugu soconayo muddo, waxaana u taaganahay dhismaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo horsed u ah xoojinta sugida Ammaankaā€¯

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa wada dadaalo lagu doonayo in dib u dhis iyo tayeenba lagu sameeyo Ciidanka, iyadoo Taliyaha Boliiska Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Maalin Ka Hor uu ka hor sheegay Ciidamada in ay helayaan tababaro kor loogu qaadayo aqoonta ciidanka oo dal iyo dibba isugu jirta, taasi oo qeyb ka ah dib u dhiska.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip