Shir looga hadlayay dib eegista dastuurka oo Muqdisho lagu soo xerey

0
Monday April 25, 2016 - 18:25:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir looga hadlayay dib eegista dastuurka oo Muqdisho lagu soo xerey

    R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayay sida bulshada looga qayb galinkaro dastuurka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayay sida bulshada looga qayb galinkaro dastuurka.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha Dastuurka, gudiga la socodka dastuurka ee barlamaanka iyo Gudiga madaxa banaan ee Dasturka iyo qaybaha Bulshada.

Abuukate Maxamad oo ku hadlayay afka Gudiga maddaxa banan ee dastuurka iyo Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ee baarlamaanka ayaa si isku mid ah u soo dhaweyay go’aamada ka soo baxay Shirkaan.

Wasiirka arimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekhayaa ku tilmaamay shirkaan mid guul ku soo dhamaaday waxa uuna sheegay in ay dhiiri galinayaan wadatashiyada Bulshada rayidkaa.

Ra’iisul waasare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in loo bahan yahay in loo bahanyahay in sharaxaad dheeraad ah loo sameeyo qodobada dastuurka.

"waxaa loo bahanyahay qodobada dastuurka in qodob walba uu helo sharaxaad maxaa yelay waxaad arkaysaa qodob hadba qolo ay dhan u fasiranee tusaale Atoorni qolaba dhan ay u fasiree qolo xeer ilaaliye qolana Garyaqaanka guud marka waa in aad ka doodaan sida uu qodobku uheli karo sharaxaad” ayuu yiri R/wasaare ku xigeenka dalka.

halkan hoose ka akhriso war-murtiyeedka laga soo saaray shirka

Kulanka wadatashiga ka dib, waxaa ururada bulshadda rayidka ah iyaga oo la tashanaya Wasaaradda Arrimah Dastuurka soo jeedeeninayaan qodobada hoos ku qoran;

Waxaa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in dib-u-eegista dastuurka iyo holwaha lagu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u hayaan Soomaalida si dastuurku u noqdo mid Soomaali leedahay.


In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga La socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista Dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka iyo Bulshada Rayidka ah ay ka wada-shaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi-socodka dib-u-eegista
Kulankan waxa uu hoosta ka xariiqayaa in la tixgeliyo Xauquuqda siyaasadeed ee Haweenka Soomaaliyeed.
Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha-dhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siyaasiyiinta.
Dastuurku waa in lagu qoraa Afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo
Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka ah ay ka tala-galiyaan ururada bulshada rayidka fariimaha lagu baahinayo aaladaha warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuurmo dareen dhib u keeni kara geedi-cosdka dib-u-eegista dastuurka.
Qaybaha ugu culus dib-u-eegista dastuurka waa arimaha quseeya siyaasadda, sidaas darteed waa in la qabto kulamo balaaran (town hall meetings) oo ay qayb ka yihiin urrurada Bulshada Rayidka ah oo lagu soo Bandhigayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga. ah.
In bulshada rayidka ah, gaar ahaan ururada qaabaysan, ay noqdaan codkii u hadli lahaa dadweynaha.
In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka, muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda
In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas
Waan in bulshadda baahida gaarka ah leh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.
Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiyaan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Gobaleedyadda iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana ay si joogta ah ula shaqeeyaan kana tala qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi- socodka dib-u-eegista dastuurka.
Maamuladda dalka ka jiraa waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–u-eegista iyo faafinta dastuurka.
Waxaan soo Dhowaynaynaa Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka oo la isku raacay in Garoowe lagu qabto 25 May 2016, waxaan ka codsanaynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in si weyn loo tixgeliyo ka qaybgelinta urrurada Bulshada Rayidka ah Shirweynaha Qaran.
Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Urrurada Bulshadu Rayidka waa in la joogteeyaa kulamada noocan ah.
Waxaan u mahad-celinaynaa dhaamaan ka qayb-galayasha ka kala yimid dalka oo dhan, qaban-qaabiyayaasha shirkan socday labada maalin iyo hay’adihii gacanta ka gastay in uu si guul ah ku dhamaado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip