Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

0
Sunday May 03, 2015 - 13:00:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

    Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay gaari uu iska leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo gaarigiisa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa, isla markaana la doonayay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay gaari uu iska leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo gaarigiisa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa, isla markaana la doonayay in isaga lagu qaarijiyo, waxaana ka hortagay ciidamada xoogga dalka iyo booliska.

Goobta gaarigan lagu soo bandhigay ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakill kale.

Ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran fashilinta iyo ka hortaga walxaha qarxa ayaa ku guuleystay in ay qaraxa gaariga ka furaan, isagoo aan haba yaraatee waxyeelo geysan, iyagoo adeegsanaya qalab casri ah.

Intaasi ka dib ayaa waxaa goobta warbaahinta Qaranka loogu soo bandhigay gaarigii oo bad qaba iyo qaraxii oo laga furay iyo sidoo kale Telefoonka gacanta oo la doonayay in lagu qarxiyo.

Abaandulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdirsiaaq Khaliif Cilmi oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay goobta gaarigan lagu soo bandigay ayaa tilmaamay in ciidanka ay ku guuleysteen in gaariga ay ka furaan walxaha qarxa.

"7:20 daqiiqo ee saaka ayaa sargaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo shaqadiisa ku sii jeeda, waxa ay gaarigiisa ku soo xireen Walxaha qarxa oo ay ku doonayeen in ay ku qarxiyaan marka uu xarunta soo galo, howshan waxaa iska kaashaday ciidamada booliska iyo militeriga oo u tababaran inay ka hortagaan falalka nuucaani oo kale ah, ee ay dhagar qabayaashu doonayaan inay dadka ku laayaabn” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ay sii laba jibaaraan garab istaaga hay’adaha ammaanka ee dalka, si looga hortago dhagarta kooxdan ay shacabka la damacsaniyihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip