Generaal Katumba Wamala oo sheegey in ciidamada Uganda Mudo Todobo bilood wax mushaar ah ay qadanin

0
Monday April 25, 2016 - 16:45:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Generaal Katumba Wamala oo sheegey in ciidamada Uganda Mudo Todobo bilood wax mushaar ah ay qadanin

    Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM aysan muddo 7 bilood qaadan wax mushaar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM aysan muddo 7 bilood qaadan wax mushaar ah.

Jen. Katumba Wamala oo la hadlayay ciidamo Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaale yari soo wajahday howl galka AMISOM, isagoo xusay in dowladdiisa arrintan kala hadashay dowladaha taageera howl galka AMISOM.

"In muddo 7 bilood ah askarteena aysan wax mushaar ah qaadan, taas waxay abuurtay in niyad jab uu ku dhacay ciidankeena”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Uganda.

Waxaa uu sheegay in dowladda Uganda ay wado qorshe ay miisaaniyada ciidamada ku kordhineyso, si mushaar la’aanta heysata Ciidamadooda jooga Soomaaliya wax looga qabto.

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in illaa 1,800 askari u soo dirto Soomaaliya, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu qoray Wargeyska New Vision.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip