Shir ku saabsan horumarinta Cadaalada oo Muqdisho Ka furmay+sawiro

0
Monday April 25, 2016 - 16:45:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir ku saabsan horumarinta Cadaalada oo Muqdisho Ka furmay+sawiro

    Guddoomiyaha Maxkamada Sare Somaliya caydiid Ilka Xanaf, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayay horumarinta Cadaalada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Somaliya caydiid Ilka Xanaf, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayay horumarinta Cadaalada dalka.

Kulankaan maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa ka hadalka horumarinta Cadaaladda dalka waxaana ka qayb galay mas, uuliyiin ka kala socotay dowladda dhexe iyo maamulada qaybta ka ah federaalka ee dalka ka jira.

Mas’uuliyiinta ka qayb gashay kulankaan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Abuukar taliye ku xigeenka ciidanka asluubta la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga sidoo kale wasiirada Cadaakadda maamul goboleedyada dalka iyo mas, uuliyiin kale.

Shirkaan oo socon doona dhowr maalin ayaa waxaa mas.uuliyiinta ka hadashay ay aad ugu dheeraadeen ka hadalka muhiimadda cadaaladu uleedahay bulshada Soomaaliyeed waxaan mudada uu socdo qubaradu ay ka doodi doonaan sidii loo hagaaji lahaa cadaaladda dalka.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka dr Axmed Cali Abuukar oo ka hadlay furitaanka aqoon usweydaarsigaan ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka jirtaa ay tahay loona baahan yahay in si dhab ah loo bad baadiyo.

‘Somalia waqti dheer dhibaatada la degtay waa cadaalada waxaan maanta u baahanahay in maanta anaga ayaa ah mas. Uuliyiintii dalka waa in si dhab ah aan u wajahno hormarinteeda markii aan cadaalada hagaajino waxaan gaareynaa hormar iyo wanaag lkn hadii aysan dhicin xaalkeenu ma wanaagsana’ayuu yiri Dr Axmed.

Xoghayaha gudiga cadaaladda Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed amiin ayaa dhankiisa qaba in muhiimadu tahay in heer federaal iyo heer gobol laga wada qayb qaato hormarinta cadaaladda .

Wasiiradda cadaaladda maamul goboleedyada dalka ayaa dhankooda ka hadlay kulankaan waxaana ay xuseen in ay ka go’ Antahay nooleynta cadaaladda dalka.

Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka Somalia Mudane Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa ka sheegay kulankaan in wasaaradda oo kaashaneysa qaybaha kala duwan ee garsoorka dalka ay ku dadaali doonto hormarinta cadaaladda.

Cadaalad xumada heerka aan ka gaarnay dad nool inta la gubay ayaa hadana xaabada la dulsaaray ilaahaan idinku dhaariyaye bal eeg halkee joognaa bini aadanimada xitaa kuma jirto waxaan rabaa in aan ilaahay hortiis aan sheego mas .uuliyada na saaran waa in aan ilaalino.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay kulanka gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka mudane Caydiid Cabdullahi ilka Xanaf oo si rasmi ah ufuray shirka ayaa sheegay in garsoorka dalku u baahan yahay amni hadii aan lahelina uusan socon karin garsoorku.

Garsoorku waxaa uu ubaahan yahay amni dhibaatada ugu weyn ee nahaysata waa amniga waa in garsooraha amnigiisa la sugaa hadaan taas la helin way adkaaneysaa in cadaalad la helaa marka taa aan xoogga saarno”ayuu yiri Ilka Xanaf

one1onetrefor

 

 

garso1Cadaalad





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip