Sirdoonka Soomaaliya oo Gacanta ku dhigey Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab

0
Monday April 25, 2016 - 13:28:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Soomaaliya oo Gacanta ku dhigey Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab

    Howlgal xalay ciidamada Nabadsugida ay ka sameeyeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabab, sida u afhayeenka maamulka gobolka Banaadir , C/fataax Cumar Xalane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal xalay ciidamada Nabadsugida ay ka sameeyeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabab, sida u afhayeenka maamulka gobolka Banaadir , C/fataax Cumar Xalane.

Xalane, ayaa sheegay in xalay ciidamada ammaanka howlgalka ay sameeyeen si nabad ah u dhacay isla markaana lagu guuleystay in ninkaas gacanta lagu soo dhigo.

"Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta laga soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa”ayuu yiri Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in horjoogahan uu horay u hogaamiyay dagaalo iyo weeraro lagu qaaday ciidamada dowladda federaalka iyo AMISOM.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta ammaanka ay xalay kormeero ku sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho, halkaas oo howlgalo amni ay ka socdeen.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip