Golaha Ammaanka Ee Q. M. Oo Amaanay Horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya

0
Sunday April 24, 2016 - 15:08:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka Ee Q. M. Oo Amaanay Horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya

    -Golaha ammaanka ee Q. M. ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda federaalka Soomaaliya ku amaanay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay sameysay Afartii sano ee la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Golaha ammaanka ee Q. M. ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda federaalka Soomaaliya ku amaanay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay sameysay Afartii sano ee la soo dhaafay.

Warbixin uu golaha ka soo saaray kulan uu 19-kii bishan warbixin uga dhageystay madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud, ayuu si gaar ah ugu bogaadiyey heshiiska laga gaaray nooca doorashada Soomaaliya ee 2016-ka, taasi oo goluhu sheegay inay u gogol xaari doonto doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda 2020-ka

Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay baarlamanka Soomaaliya in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyo heshiika ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dib ugu celiyey inay filayaan in wax waqti kordhin ah aan loo sameyn dowladda Soomaaliya ee iminka jira, wuxuuse goluhu walaac ka muuiyey xaaladda amni ee Soomaaliya oo an adkeyn.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa qoraalkooda ku cambaareeyey weerarada Al-Shabaab iyo qorashada kooxdaas ee caruurta, ayaga oo ku ammaanay ciidamada AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya inay yareeyeen halista kooxdan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimaadda in lasii wado howlgallada AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo la waafajinayo xeerka caalamiga ah ee dhowrista shacabka iyo xuquuqda aadanaha.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip