Beelo Walaalo ah oo ku Dagaalamay Marko oo Heshiis gaarey

0
Sunday April 24, 2016 - 15:08:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelo Walaalo ah oo ku Dagaalamay Marko oo Heshiis gaarey

    Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaca ka qaaday in labadii beelood oo ku dagaalmayay Gobolka S/Hoose ay heshiis gaareen. Isagoo u warramayay Wakaalada Wararka Somaliyeed ee SONNA. Waxa u Guddoomiyaha Gobolkaasi sheegay in maanta magaalada Marka l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa shaaca ka qaaday in labadii beelood oo ku dagaalmayay Gobolka S/Hoose ay heshiis gaareen. Isagoo u warramayay Wakaalada Wararka Somaliyeed ee SONNA. Waxa u Guddoomiyaha Gobolkaasi sheegay in maanta magaalada Marka lagu soo gabgabeeyay heshiis lagu soo afjarayo colaadii u dhaxeyay beelihii dhawaanhanba hurgufta ka dhaxeysay ee Degaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.

Qodobada horudhaca u ah heshiiskaasi waxaa ka mid ah:-

1-Xabad joojin

2-In shacabka isdhexgali karo dhinacba dhinac kale.

3-in magac qabiil la isku adeegsan iydoo colaad lagu hurinayo.

4-Amisom iyo Ciidamada qalabka sida ee Somaliya inay ilaaliyaan in dhinacyada ishaysta mid waliba halka ay joogto soo dhaafin

Talaabadan ayuu sheegay inay ka danbeysay wada hadalo laba usbuuc u socoday waxgaradka beelahaasi, ayna Talaabadan sida uu Guddoomiyihu sheegay ay soo dhaweeyeen dadweynaga Gobolka Sh/Hoose.

Warku wuxuu intaa raaciyay in laba dhinac heshiiska gaaray ay ku balameen in hadii allah idmo berito la kala qaado Maleeshiyaadka is hor fadhiya.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip