Ciidamo Gaar ah oo suga Amniga Gobolka Banaadir oo la Sameeayay

0
Sunday April 24, 2016 - 01:13:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Gaar ah oo suga Amniga Gobolka Banaadir oo la Sameeayay

    Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in xogta labadii gaari ee shalay ay qabteen ciidamada NISA hore loo ogaa, oo hay'adaha amaanka ay la socdeen qorshaha ay damacsanaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in xogta labadii gaari ee shalay ay qabteen ciidamada NISA hore loo ogaa, oo hay'adaha amaanka ay la socdeen qorshaha ay damacsanaayeen cadowga.

Waxa uu sheegay in ciidamada amniga ee gobolka ay u diyaarsan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen qorshaha kooxda UGUS, oo shalay isku dayey in ay dhibaateeyaan shacabka, balse ciidanka NISA ay ka hortageen.

"Hada laguma baraarugin qorshaha cadowga ee waa lala socday, ciidamada NISA ayaa ka hortagay wixii ay damacsanaayeen, dad iyaga kamid ahna waa la qabtay, waxey doonayeen in shacabka ay dhibaateeyaan”ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir.

Ciidamada NISA ayaa fashiliyey weerarka ay damacsanaayeen UGUS in shalay ay ku waxyeeleeyaan shacabka, iyagoo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxda UGUS oo falkaasi ku howlanaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip