Wasiir Ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la kulmey Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Turkiya+Sawiro

0
Saturday April 23, 2016 - 17:32:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya oo la kulmey Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Turkiya+Sawiro

    Wasiir ku xigeynka wasaarada Gaashaandhiga Xukumada fadareelka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen oo ay wehliyaan madaxa hogaanka Zaadka ciidanka xooga dalka soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeynka wasaarada Gaashaandhiga Xukumada fadareelka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen oo ay wehliyaan madaxa hogaanka Zaadka ciidanka xooga dalka soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiya ayaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkey kula kumey dhggiisa Turkiga.

 

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah kuwaasoo ay ka mid yihiin siidi wasaaradda gaashaandhigga Turkiga gacan uga geysan lahayd dib u dhiska Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya labada wasiir ayaa waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta amaanka xeebaha soomaaliya oo dhowr mar laga qabtey hub sid sharci dara ah ugu soo socdey kooxaha nabdiidka waxana labada Masuul ay isku raceen in la dhiso ciidamada bada oo loo dhameestito qalabka.

Wasiir ku xigeynka Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Cabdalla Xuseen ayaa sheegey in Wasaarada Gaashaandhiga Turkiya ay kala hadleen tababarada ciidamada xooga dalka iyo in ay ka tageeraan la dagaalanka kooxaha aragagexesada iyo in dib loo soo nooleeyo hantidii uu lahaan jirey ciidamada xooga dalka oo ay ka mid yihiin warshadihii ciidanka xooga dalka.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Cismad Yalmas ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada ay wasaaradda gaashaandhigga Somalia ugu jirto dib u soo nooleynta ciidamada Xooga dalka ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa horay u ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayso dib u dhiska ciidamada iyo qalabeyntooda, iyadoo Turkiga ay tahay waddanka keliya ee sida tooska ah u caawiya dowladda Soomaaliya



 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip