Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka

0
Sunday May 03, 2015 - 12:45:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka

    Shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas ayaa waxa u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas ayaa waxa uu uga hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada doorashooyinka iyo xaduudaha dalka oo Wasaaradu dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii ay u dhisi lahayd.

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa’id ka hor waxaa uu kulan la qaatay guddi dhawaan Wasaaraddu u xil saartay sidii ay u soo kala saari lahaayeen xubno badan oo araajidooda ay ku doonayaan in ay xubno uga noqdaan guddiyadaas Wasaaradda u soo gudbisay, waxaana uu uga mahadceliyay Wasiirku guddigaas howsha ay soo qabteen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in guddigaasi uu Wasaaradda ku soo celiyay liiska 27 qof oo ay ka soo xuleen 350 xubnood dad ka badan Wasaaraduna ay u gudbineyso golaha Wasiirada ka dibna ay usii gudbin doonaan Baarlamaanka.

"waxaa jira guddi aanu 21maalin ka hor u saaranay in ay soo kala saaraan araajida mas’uuliyiin 350 ka badan, Wasaarada ayay ku soo celiyeen araajida 27 ruux waa mahadsanyihiin, anaguna waxaan u gudbin doonaa xukuumada kadibna baarlamaanka ayaan u sii gudbineynaa waxaa nalaga rabaa in aan ka dhigno 18 xubnood oo mid 9 ah oo labada guddi” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa waxaa uu ka hadlay halka uu marayo dhismaha maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud loo dhisayo, waxaana uu Wasiirku sheegay in dad dano gaar ah leh ay warar aan sax ahayn ka sheegeen shirkaas, isla markaana uu shirka meel wanaagsan marayo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dadaal ugu jirta dhameeystirka dhismaha dowlad goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowladda Federaalka ah, waxaana hadda socda qorshe Wasaaraddu ay ku dooneyso in maamul loogu sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip