Xafladda lagu soo xirayay xuska aas aaska ciidanka XDS oo lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

0
Thursday April 21, 2016 - 17:22:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladda lagu soo xirayay xuska aas aaska ciidanka XDS oo lagu qabtay Muqdisho-Sawirro

    Munaasabadan oo gabagabo u aheyd Xuska sanad guurada 56 aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka oo maalmahaan ka soctay maqaalada Muqdisho iyo gobalka dalka isla markaan ay ka qeybagaleen mas'uuliyiin uu kamid yahay ra'iisul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan oo gabagabo u aheyd Xuska sanad guurada 56 aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka oo maalmahaan ka soctay maqaalada Muqdisho iyo gobalka dalka isla markaan ay ka qeybagaleen mas'uuliyiin uu kamid yahay ra'iisul wasaare ku-xigeenka dalka, wasiirka gaashandhigga saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida diblomaasiin iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtey Xarunta taliska ciidanka xoogga dalka .

Cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka ayuu ku-simaha ra’iiysulwasaaraha dalka ka qaatay Salaan sharaf iydoo ay garbihiisa taagnayeen wasiirka difaac iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Intaas kadib fanaaniinta kooxda horsed ee ciidanka xoogga dalka waxa ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka tarjumeysay howlaha ay dalka u hayaan ciidanka xoogga dalka ee ku aadan difaaca dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka sareeyo gaas,Maxamed Aadan oo ugu horeyn ka Hadley munaasabada ayaa ugu mahadceliyay dowladaha Soomaaliya ka taageerayay dhismaha iyo tayaynta ciidanka xoogga.

Wasiirka gaashandhigga ee xukuumada federaalka Soomaaliya jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) ayaa sheegay in daruufaha dalka jira loogu bixi karo in laga qeyb qaato dhisamaha ciidanka xoogga dalka.

"Waxaan leeyahay carruurtan waxaaan ka badbaadin karnaa markii dhisano ciidamada nabadagaliyada aan ku soo dabaalno dalka nabad, waxaa ka badbaadinaynaa anigoo isku duuban in la khaldo carruurta isla markaanaana iska dhaafno kala qobqobka bulshada dhexdeeda ah,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in dalka ay ahmiyad weyn u leeyihiin ciidanka xooga dalka isla markaana loo baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo tayaynta ciidanka qalabka sida guud ahaan.

IMG_0263IMG_0264IMG_0267IMG_0268IMG_0271IMG_0273IMG_0275IMG_0276IMG_0278IMG_0279IMG_0281IMG_0282IMG_0286IMG_0287IMG_0288IMG_0289IMG_0293IMG_0296IMG_0299IMG_0300IMG_0301IMG_0304IMG_0311IMG_0315IMG_0322IMG_0326IMG_0329IMG_0330IMG_0336IMG_0351IMG_0352IMG_0357IMG_0358IMG_0365IMG_0384IMG_0385IMG_0396IMG_0407IMG_0408IMG_0419IMG_0421IMG_0468IMG_0492IMG_0509IMG_0532IMG_0533IMG_0534IMG_0539heekh Cali (Diini) ayaa sheegay in daruufaha dalka jira loogu bixi karo in laga qeyb qaato dhisamaha ciidanka xoogga dalka.

"Waxaan leeyahay carruurtan waxaaan ka badbaadin karnaa markii dhisano ciidamada nabadagaliyada aan ku soo dabaalno dalka nabad, waxaa ka badbaadinaynaa anigoo isku duuban in la khaldo carruurta isla markaanaana iska dhaafno kala qobqobka bulshada dhexdeeda ah,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in dalka ay ahmiyad weyn u leeyihiin ciidanka xooga dalka isla markaana loo baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha iyo tayaynta ciidanka qalabka sida guud ahaan.

Gabagebadii munaasabadda ayaa ra’isul wasaare ku xigeenka waxaa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay danjiriyaasha dalalka Jabuuti, Suudaan iyo saraakiil ka socotay howlgalka midowga Yurub ee tababarada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip