Wasiir Maareeye: "3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed"

0
Sunday May 03, 2015 - 09:40:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maareeye: "3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed"

    Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hambalyo ku aadan maalinta Saxaafadda aduunka ee saddexda May u diray guud ahaan suxufiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliya, isla markaana san

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hambalyo ku aadan maalinta Saxaafadda aduunka ee saddexda May u diray guud ahaan suxufiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliya, isla markaana sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in suxufiyiinta Soomaaliyeed looga fadhiyo inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa anshaxa saxaafadda, ayna ka hortagaan waxkasta oo wax u dhimaya amniga iyo dowladnimada.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto sidii xeerka saxaafadda loo horgeyn lahaa Baarlamaanka, si ay u meel mariyaan sharciga saxaafadda.

"Waxaan Warbaahinta Soomaaliyeed ka codsaneynaa inay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda, dowladda ma dooneyso inay caburiso Warbaahinta, saxafiga iyo xoriyadda hadalka, siyaasadda dowladda waa in Soomaaliya ay ka dhashaan Warbaahin xoog leh oo xor ah, ee taasi nagala shaqeeya, waxaan markale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed maalinta saxaafadda adduunka 3-da May agweed” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip