Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda u dhaxeysa Dalalka liibiya iyo talyaniga ee Mediterranean-ka

0
Thursday April 21, 2016 - 14:57:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda u dhaxeysa Dalalka liibiya iyo talyaniga ee Mediterranean-ka

    Haweeneey u hadashay laanta qaxootiga qaramada midoobay oo lagu magacaabo Ariane Rummery,ayaa sheegtay,in howsha baarista tirooyinka dadka la socday doonidii ku degtay badda Mediterranean-ka iyo tirada dadkii ku dhintay loo saaray guddi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeneey u hadashay laanta qaxootiga qaramada midoobay oo lagu magacaabo Ariane Rummery,ayaa sheegtay,in howsha baarista tirooyinka dadka la socday doonidii ku degtay badda Mediterranean-ka iyo tirada dadkii ku dhintay loo saaray guddi.


Mss;Rummery,oo ka hadashay shirka golaha ammaanka ee New York,ayaa intaa ku dartay inay arrintaasi daba galkeeda u saareen xubno soo baara qaabka ay wax u dhaceen, sababta keentay iney tiro intaa la’eg oo Soomaali u badan ay ku dhammaadaan biyaha u dhexeeya Masar iyo Talyaaniga.


Guddigani ayaa la faray inay gaaran dalka Greece si macluumaad dheeri ah oo ku saabsan musiibadii dhacay ay usoo helaan,waxanay la kulmi doonaan dadkii ka badbaaday shilakn,iyagoo sidoo kale xiriiro la samayn doono ilaha madaxa bannaan ee ku dhow xaqiiqada sida ay ku dhacya mashaqada aan gurmadka lahayn iyo baaxadda qasaaraha.



Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku dhaliilay isku xilqaan la’aanta ku aaddan gacantii looga baahnaa ee ku aaddan gacan u fidinta dhallin yaradii Soomaaliyeed ee ku dhimmatay badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga,isagoo ka codsaday in la sameyo baaris arrintaasi la xiriirta.


Bartamihii bishan ayay ahayd markii ay boqolaal tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo u badan dhallin yaro ay ku geeriyoodeen biyaha u dhexeeya Masar iyo Talyaaniga,taasoo oo si weyn u gil gishay dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.
W/D :-Ustaad Cumar Maxamed Kulmiye


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip