Ambassador Francisco oo la kulmay khabiir madax banaan ee xuquuqda aadanaha

0
Thursday April 21, 2016 - 14:43:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ambassador Francisco oo la kulmay khabiir madax banaan ee xuquuqda aadanaha

    Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabiley khabiir madax banaan ee xuquuqda aadanaha ,Mr. Bahame Tom Nyanduga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabiley khabiir madax banaan ee xuquuqda aadanaha ,Mr. Bahame Tom Nyanduga.

Ambassador Madeira iyo khabiirka madax banaan ee xuquuqda aadanaha ayaa ka wada hadlay arimo badan oo ay kamid tahay howlgalada AMISOM ee ku aadan waajibka ka saaran ilaalinta xeerka caalamig ah iyo dhowrida xuquuqul insaanka marka ay ku guda jiraan howlgalada amni sugidda ee Soomaaliya.

Khabiirka madax abaan ee xuquuqda aadanaha ayaa AMISOM ku amray inta ay wadaan howlaha soo celinta nabadda Soomaaliya ay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran xaqiijinta xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka.


Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in meelaha ciidanka AMISOM iyo kuwo xooga dalka Soomaaliyeed ay ka saareen kooxda Al-shabaab ay fursad u heleen in ay sameystaan maamulo iyo in ay horumariyaan isla markaana ilaaliyaan xuquuqda aadanaha lana awooday in la gaarsiiyo kaalmada bani’aadanimada.

"Marka aan kaaga warbixino socdaalkaagii 29 May 2015, AMISOM waxaa ay sii waday in ay tababaro ku saabsan xuquuqda aadanaha siiyo xoogaga kala duwan, si kor loogu qaado ilaalinta xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka marka ay socdaan howlgalada ay sameynayaan AMISOM, ayuu hadalkiisa ku daray.

Ambassador Madeira ayaa sheegay in la xoojin doono ilaalinta dadka rayidka ah lagana fogaado dhibaatada loo geysanaayo isla markaana la yereeyo khasaaraha soo gaari kara dadka sahcabka ah inta lagu guda jiro howlgalada amni xaqiijinta.

"Kama tagi doono anagoo hal dhagax booskiisa ka dhaqaajinin ilaa la xaqiijiyo in dambiiliyaasha ku xad gudbay xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka si buuxda loola xisaabtamaayo.” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Khabiirka madax banaan ee xuquuqul insaanka, Mr. Bahame Nyanduga ayaa waxaa ay u aheyd booqashadii labaad ee Soomaaliya uu ku yimaado isla markaana uu awood u heley in ay wax ka ogaado halka ay mareyso xaaladda xuquuqda aadanaha dalka, isagoo la kulmay xubno ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

W/D :-Ustaad Cumar Maxamed Kulmiye 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip