UNHCR oo ka hadashay dhibaatooyinka tahriibka ee siibadanaayo.

0
Thursday April 21, 2016 - 14:30:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNHCR oo ka hadashay dhibaatooyinka tahriibka ee siibadanaayo.

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa sheegtay in ay isa soo tareyso dhibaatooyinka xooggan ee ka dhalanayo tahriibka, waxa ayna xuseen in dhowr cisho ka hor doon siday k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa sheegtay in ay isa soo tareyso dhibaatooyinka xooggan ee ka dhalanayo tahriibka, waxa ayna xuseen in dhowr cisho ka hor doon siday ku dhawaad 500 oo ruux ay ku dagta Badda Mediterranean xilli ay ku siideen qaar ka mid ah Jasiiradaha dalka Talyaaniga ee qaaradda Yurub.

Afhayeenka hay’adda UNHCR, William Splindler ayaa sheegay in dhibaatootinka tahriibka ay yihiin kuwo aanan indhaha laga daboolan karin islamarkaana u baahannay in si wada jir ah looga hortago, waxa uuna xusay in hay’adda UNHCR ay waddo qorshayaal lagu yareynayo dhibaatooyinka tahriibka, si loo bad baadiyo jiilka soo koraayo ee sida micno darrada ah ugu baaba’aayo badaha Gacanka Carbeed iyo kuwa Mediterranean-ka.

"Suurto gal ma ahan in la iska daawado dhibaatooyinka sii xoogeysanayo ee ka dhalanayo tahriibka. Waa in aan u istaagno sidii aan ku joojin laheyn tahriibka, si loo bad baadiyo dadka ku halaagmaya biyaha Mediterranean-ka ee ku sii qul qulaayo dalalka Qaaradda Yurub” ayuu yiri, Afhayeenka hay’adda UNHCR, William Splindler.


Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in 16-ka bisha Abriil ee sanadka 2016-ka ayey aheyd markii ay dagtay doon siday ku dhawaad 500 oo tahriibayaal ah oo ka soo kala jeeday dalalka, Soomaaliya, Itoobiya, Masar iyo Suudan, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi bad baadiyay markaba ganacsi oo laga leeyahay dalka Giriirga.

Sidoo kale, waxa wali jiro kumanaan kale oo ku howlan marista wadadii ay ku halaagmeen saaxiibadood, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub, taasina ma ahan wax suurto gal ah oo indhaha laga daboolan karo”.

Warbixintan ayey hay’ada soo saartay kadib markii ay wareysi la yeelatay 41 kamid ah dadkii kasoo badbaaday shilkan oo lagu hayo wadanka Giriiga.
Shilkan ayaa la sheegay inuu dhacay xili dooni ka timid dalka Liibiya oo siday tahriibayaal gaaraya 100 lagu wareejinayey dooni kale oo weyn oo ka timid dalka Masar oo siday boqolaal tahriibayaal ah. Waxaana la sheegay in doonida weyn ay degtay xili la saarayey tahriibayaasha laga keenay xeebta magaalada Tabruuk ee bariga dalka Liibiya.

Dadka ka badbaaday shilkan ayaa muddo maalmo ah dul sabeenayey bada waxaana la sheegay inay soo qaadeen maraakiib badweynta mareysay iyo doonyo kaluumeysto ah.

Dowlada Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay arrintan ka hadashay isniintii lasoo dhaafay iyadoo soo xiganeysa xogta uga timid dhanka dowlada Soomaaliya.

Arbacadii shalay ayey ciidamada Talyaaniga ay qabteen 4 nin oo u dhashay dalka Masar oo lagu tuhunsan yahay inay kamid yihiin kooxaha wax tahriibiya.

Sidoo kale dowlada Masar ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Alexandria ku qabatay dad doonayey inay u tahriibaan Yurub.
Shilkaasi ayaa la rumeysan yahay in dhalinyaro ka badan 200 oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya ay ku dhinteen, waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jira tahriibayaal ka yimid dalal kale ee oo ka tirsan aarda Afrika sida Itoobiya, Sudan iyo Eritereya.

W/D :- Ustaad Cumar Maxamed Kulmiye 



















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip