Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday April 20, 2016 - 15:09:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay dilal xalay ka dhacay Muqdisho

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay falal dil ah oo xalay ciidamada dowladda ay u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Al-Barako, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay falal dil ah oo xalay ciidamada dowladda ay u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Al-Barako, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan militariga oo falal dhac ah ka waday xaafado ka tirsan degmada Hodan ay si barer ah u dileen sadax dhalinyaro ah oo da’dooda lagu sheegay 9 jir, 6 jir iyo 20 jir, waxa uuna xusay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan kooxihii falalkii dilka ahaa geystay carruurta yar yar ee aanan waxba galabsan.

"Waxaan aad ugu mahadcelineynaa wasaaradda difaaca dowladda Soomaaliya oo ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka gacan ka siiyay soo qabashada askartii falalka dilka ah u geysatay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir” ayuu yiri, Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in askarta dilka geystay lala tiigsan doono sharciga islamarkaana caddaalada la waafajin doono, si tusaale ay ugu noqodaan kuwa kale ee haatan ku howlan falalka nuucaan ookale ah ee lagu waxyeeleynaayo dadka shacabka ah ee aanan waxba galabsan.

Ciidamada ammaanka oo looga bartay ka hortagga falalka amni darro ee mararka qaar ka dhacay gudaha dalka ayaa had jeer waxa ay diyaar u yihiin in sharciga ay la tiigsadaan cid allaale iyo ciiddii waxyeelo u geysata shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip