Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalada doorashada 2016

0
Wednesday April 20, 2016 - 13:52:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalada doorashada 2016

    Kulan gaar ah oo golaha ammaanka ay ku yeesheen xarunta QM ee magaalada New York, ayaa waxaa ay warbixin ka ku saabsan Soomaaliya ka dhageysteen wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, isagoo ka hadlay arimaha siyaasadda, amm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan gaar ah oo golaha ammaanka ay ku yeesheen xarunta QM ee magaalada New York, ayaa waxaa ay warbixin ka ku saabsan Soomaaliya ka dhageysteen wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, isagoo ka hadlay arimaha siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha iyo arimaha bani'aadanimada eek a jira qeybo kamid ah Soomaaliya.

Danjire, Keating, ayaa sheegay in Soomaaliya horumar dhab ah uu ka jira isla markaana madaxda dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah ay isku waafaqeen nidaamka doorashada sanadkan 2016.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale sidoo ka hadlay dhismaha dowladda goboleeyada, waxaana uu carabta ku dhuftay in maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha uu hadda meel wanaagsan uu marayo inkastoo dib u dhac badan uu soo maray.

Micheal Keating, ayaa tilmaamay in todobaadkii la soo dhaafay madaxda dowladd federalka iyo kan maamulada ay ku heshiiyeen ahaanka doorasho ee dhamaadka sanadkan ka dhici doonta dalka.

"Waxaa ku baaqayaa in hanaanka doorashada si deg deg ah loo meel mariyo si doorashada ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyay, waxaan soo dhaweynayaa niyad samida ay muujiyeen madaxda dalka, sidoo kale rabitaanka golaha ammaanka oo ah in aysan jiri doonin muddo kororsi,” ayuu sheegay Mr Keating.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in doorashadan ay si weyn ugu duwan tahay tii 2012 maadaama tirada soo xuleysa xubnaha baarlamaanka ay ka badan yihiin sidii kuwii hore.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa khudbadii uu u jeediyay 15 xubnood ee golaha ammaanka waxaa uu sidoo kale uga hadlay dib u eegista dastuurka oo uu sheegay in howshaas ay meel wanaagsan marayso isla markaana qeybtii ugu horeysay la soo bandhigay kadib dib u eegista.

Dhanka amniga ayaa danjiraha waxaa uu ka hadlay duulaankii fashilmay ee dhowaan maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaano nabdoon oo ka wada tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoo xaqiijiyay in kooxdu khasaare xoogan kala kulantay dagaalkaas.

Waxaana uu amaan u jeediyay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwo midowga Afraka ee AMISOM dadaalada naf huridda oo ay sameynayaan si nabad loogu soo dabaalo dalka geeska Afrika ku yaala ee Soomaaliya.

"Iskaashiga sadex geesoodka ah oo u dhaxeeya dowladda Federalka, Midowga Africa iyo QM ayaa ah mid aas aas adag u ah nabaad iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya,” ayuu yiri mar kale .

"Amniga iyo barwaaqada dalka waxaa ay ku xiran tahay sida awood loogu yeesho in laga maarmo ku tiirsanaanta kaalmi dibadeed iyo in diiradda la saaro asalka dhibaatada sida u nuglaanshaha rabshada argagaxisanimo ", ayuu yiri Mr. Keating .

Istiraajiyadda isfahamka siyaasadda ayaa keeni karta in dalka maalgashiga , shaqo abuurka, ku dhaqanka sharciga iyo in la dhowro xuquuqda aadana, sidoo kalena la helo xoogag awood u leh la dagaalanka wax loogu yeero argagaxisada ayaa kamid ah waxyaabaha loo baahan yahay.

Iyadoo taasina ay ku xiran tahay sida ay ugu go’an tahay madaxda dalka, hogaamiyeyaasha dhaqanka, wadamada dariska ah iyo guud ahaan beesha caalamka.

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip