Madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsaday Golaha Ammaanka inay qaadaan cunaqabateynta hubka

0
Wednesday April 20, 2016 - 13:52:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsaday Golaha Ammaanka inay qaadaan cunaqabateynta hubka

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbixin siinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu kaga hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa afartii sano ee la soo dhaafay,sida Amniga, siyaasada iyo hirgelinta Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbixin siinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu kaga hadlay horumaradii ay gaartay dowladdiisa afartii sano ee la soo dhaafay,sida Amniga, siyaasada iyo hirgelinta Federaalka.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dhalinyaro Soomaali Tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Badda Cas, waxaa uu ka dalbaday dowladdaha inay ka qeyb qaataan sidii meydadka loo raadi lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guulo laga gaaray dhinaca siyaasada, isagoo xusay in la dhisay saddex ka mid ah afarta dowlad goboleed ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu xusay in la qabyo qoray dastuurka dowladda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in todobaadkii hore la isku afgartay in si guul ah la isugu raaco dhaqan gelinta hab doorasho lagu galayo, waxaana uu xusay in lagu socdo wadada saxda ah ee lagu hirgalinayo hanaan dimoqraadi ah oo Soomaaliya ka dhaqan gala 47 sano kadib.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe in si adag uga shaqeynayaan dhismihiisa, si loo dhameystiro hanaanka federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiis laga gaaray kala cadeynta maqaamka uu yeelanayo Gobolka Banaadir

Xasan Sheekh ayaa sheegay in taageerada Beesha Caalamka ay tahay mid muhiim ah, isagoo xusay in la qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu hubinayo qorista Ciidamada iyo mushaarkooda, waxaa uu xusay inay ka shaqeynayaan isku dhafka Ciidamada qaranka.

Waxaa uu sheegay in afar guuto oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland lagu soo biiriyay Ciidamada xoogga dalka, bisha July ee soo socota la rajeynayo in labo guuto kale lagu soo biiriyo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in bisha soo socda saddex kun oo ka tirsan Ciidanka Puntland ay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka qaranka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la iska indha tiri karin qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inay lagama maarmaan ay u tahay dhismaha Ciidan Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip