Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska xarunta hogaanka "SAWIRRO"

0
Tuesday April 19, 2016 - 16:51:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska oo ku baaqay in laga qeyb qaato dib u dhiska xarunta hogaanka "SAWIRRO"

    Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in dib u dayactir xooggan uu ka socdo xarunta hogaanka gaadiidka, halkaasi oo uu maanta howlo kormeer ah ku tegay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in dib u dayactir xooggan uu ka socdo xarunta hogaanka gaadiidka, halkaasi oo uu maanta howlo kormeer ah ku tegay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo ku-xigeenkiisa labaad Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi.

Taliyaha hogaanka gaadiidka booliska oo u warramay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlaha dib u dhiska ah ee ka socda xarunta hogaanka booliska oo bur bur ka soo gaartay dhibaatadii dalka kacay 25-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo intaa ku daray in taliyaha booliska iyo taliye xigeenka ay ku soo wareegeen qeybaha dib u dhiska uu ka socdo oo ay ka midtahay goobihii lagu dayactiri jiray gaadiidka booliska.

"Taliyaha ciidanka booliska iyo ku-xigeenkiisa ayaa nagu soo booqday xarunta maanta, waxaana aan ku soo wareejinay goobaha dib u dhiska ka socda hogaanka gaadiidka booliska, oo ay ka midtahay goobihii lagu dayactiri jiray gaadiidka booliska sida, Rebaartooyinka kala duwan, rinjiilaha, dabyaqaanka, matooristaha, goomistaha, bambiistaha iyo meelo kale oo badan” ayuu yirii taliyaha oo hadalkiisa ku daray in ay qorsheynayaan sidii xarunta ay noqon lahayd goob sidoo kale lagu dayactiro gaadiidka dowladda oo dhan.

Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa xusay in goobaha dib u dayactirka lagu sameynayo ay tahay garaashkii weynaa ee gambolooladii gaadiidka la dhigan jiray, si ay dib u soo ceshato xarunta howlahii ay qaban jirtay, isagoo intaa ku daray in howlaha dib u dayactirka ay ka caawinayaan Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale, taliyaha qeybta nabadgelyada waddooyinka Kornayl Cali Maxamed Cali iyo ganacsato Soomaaliyeed.

"Runtii meelaha qaar waxaa dhismaha gacan ka geystay oo lagu dhisay mushaarkii ay iska jareen ciidanka ka tirsan hogaanka gaadiidka booliska oo aan anigu ugu horeeyo, taasi oo aan kaga daysanay, Halku dhigii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ee ahaa dhiso dalkaag, iyo halku dhigii kale ee guddoomiyaha goboka ee ahaa, hal doolar ku dhiso dalkaaga, marka shacabka xilligan waxa ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud, oo laga gudbay xilligii aan gacan kale wax ka sugeynay” ayuu yiri Kornayl Bishaar Abshir Geedi.

Kornayl Bishaar Abshir Geedi Taliyaha hogaanka Gaadiidka booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda dowladda iyo ganacstada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarunta hogaanka gaadiidka booliska.BH0A9337BH0A9338BH0A9339BH0A9352BH0A9353BH0A9354BH0A9376BH0A9377BH0A9390BH0A9392





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip