Wasiir Diini oo Addis Ababa uga qeyb galay shirka ammaanka Munich +Sawiro

0
Tuesday April 19, 2016 - 13:29:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Diini oo Addis Ababa uga qeyb galay shirka ammaanka Munich +Sawiro

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeyb galay Shirka Ammaanka Munich (MSC) oo wadajir u soo qaban-qaabiyeen dawladaha Jarmalka iyo Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeyb galay Shirka Ammaanka Munich (MSC) oo wadajir u soo qaban-qaabiyeen dawladaha Jarmalka iyo Ethiopia.

Shirka ayaa waxaa qeyb galey ku dhawaad ​​60 hogaamiyayaal sare oo ka socda Qaaradaha Africa, Yurub, Maraykanka iyo Ururo Caalami ah, iyadoo diiradda lagu saarayay ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo ay la tacaaleyso koox argagixiso ah, una baahan tahay taageero iyo in gacan buuxda laga siiyo horumarinta ciidanka Qalabka sida si ay awood ugu yeeshaan dhamaystirka haraadiga Argagixisada.

Wasiir Diini waxaa kaloo uu ku xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka iyo sida loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxdii shirka ka soo qeyb galay, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

1 (2)1 (3)1 (4)






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip