Ra'iisul Wasaaraha "Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha"

0
Tuesday April 19, 2016 - 13:29:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha "Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha"

    Ra'iisul Wasaaraha SoomaaliyaCumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha SoomaaliyaCumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka.

"Aad baan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday dhacdadaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu dhamaadaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

"Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cumar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip