Howlgallo lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Maleeshiyaadka UGUS oo laga sameeyay Muqdisho.

0
Sunday May 03, 2015 - 09:33:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo Maleeshiyaadka UGUS oo laga sameeyay Muqdisho.

    Ciidamada amniga ee dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo balaaran oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ku soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amniga ee dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo balaaran oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ku soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Howlgalkan oo ah mid taxane ah waxa ay ciidamada ka fuliyeen xaafadaha degmooyinka Warta Nabadda, Howlwadaag iyo Hodan, kaasi oo bilowday 2-dii habeennimo, iyadoo ciidamada wada jirka ah ay mid mid u baarayeen guryo bartilmaameed u ahaa iyo meelo kale, halkaasi oo laga soo qab qabtay dad lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo howlgalka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa sidii loo u gaarsan lahaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah xaafada degmooyinka Gobolka Banaadir.

"Sida aad u jeedaan howlgalkan waxaa iska kaashanaya, ciidamada Booliska, Nabadsugidda, Militeriga iyo kuwa AMISOM, waa howlgal loo dhanyahay, waxaana uu yahay mid lagu xaqiijinayo Nabadgelyada caasimadda, baaritaannada intii uu socday 473 qof ayaa lagu soo qabtay, markii dadka lakala saaaray, waxaa soo hartay lix qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda UGUS, ciidamada ayaana gacanta ku haya” ayuu yiri Afhayeenka.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa xusay in howlgallada ceynkaan oo kale ah uu yahay mid la joogteyn doono, isagoo shacabka ka codsaday inay muujiyaan dulqaad inta uu howlgalka socda, ayna la shaqeeyaan ciidamada amniga.

"Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay dulqaataan inta uu socda howlgallada lagu xoojinayo amniga, runtii shacabka ciidanka way la shaqeeyaan, waxaan markale ka rabnaa in dhankooda ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada” ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip