Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo isku soo dhiibey Horjooge sare ka tirsan al-shabaab

0
Sunday April 17, 2016 - 18:56:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo isku soo dhiibey Horjooge sare ka tirsan al-shabaab

    Horjooge ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka ee Howlgalka ka wada bariga Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horjooge ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka ee Howlgalka ka wada bariga Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Gashaanle Axmed Maxamed Tareedishe ee Bariga Galgaduud ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Axmed Maxamuud Afrax oo ah ku-xigeenka horjaagihii Shabaab u qaabilsanaa dhanka uruurrinta xoolaha dadka rayidka ah uu isku soo dhiibay gacanta ciidamada, waxaana uu taliyuhu intaa ku daray in ay jiraan horjoogayaal kale oo la soo xiriiray ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay ka go’antahay la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay in maleeshiyaadka ay qaldeen Shabaabku ay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada dowladda.

Horjoogaha isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Afrax oo isna la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in markii ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen deegaanno dhowr ah uu u helay fursad ah in uu isu soo dhiibo gacanta ciidamada, waxaana uu intaa ku daray

"Aniga si qasab ah ayaa ugu shaqeyn jiray, xor ma ahayn, naftu way macdahay, waxaana u sameynayay howshan mid aan nafta ku badbaadsanayay, waxaana iigu suurta gashay fursad yar oo aan helay, maadaama kuwii howshan nagu qasbay ay isaga carareen deegaanka oo ay iminka si rasmi ah ula wareegeen ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri Axmed Maxamuud.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip