Taliyaha ciidanka Booliska iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Tababar u furay gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee Gobolka

0
Sunday April 17, 2016 - 13:20:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka Booliska iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Tababar u furay gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee Gobolka

    Taliyaha ciidnka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale "Madaale" ayaa si wadajir ah tababar ugu furay gudoomiyayaasha degmooyinka iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidnka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale "Madaale" ayaa si wadajir ah tababar ugu furay gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee gobolka Banaadir, kaasoo lagu barandoono hagaajinta wadashaqeynta u dhaxeeysa labadaasi dhinac.

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale "Madaale”oo munaasabaddi furitaanka tababarkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta tababarka loo qabtay iney ka faa’iideystaan macluumaadka ay ka helayaan tababarkaasi, isagoo ku dheeraaday ahmiyadda tababarkani uu u leeyahay sugidda amniga guud ee caasimadda dalka.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay in ujeedada tababarkani ay tahay sidii loo heli lahaa wada shaqeyn buuxda oo u dhaxeeysa gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo taliyayaasha saldhigyada booliiksa.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay inay sii kordhin doonaan tababarrada noocaan ah ee sare loogu qaadayo aqoonta mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir.

BH0A9088BH0A9102BH0A9108BH0A9122BH0A9127BH0A9163BH0A9183BH0A9191



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip