Generaal Ali Gaab '''Gacanta ayaa lagu soo dhigey ragii ka dameeyay haween lagu diley muqdisho'''

0
Sunday April 17, 2016 - 13:20:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Generaal Ali Gaab '''Gacanta ayaa lagu soo dhigey ragii ka dameeyay haween lagu diley muqdisho'''

    Ciidamada booliska Gobolka Banaadir oo howlgalo ka sameyay magaalada muqdisho ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen rag ka dambeeyay dilal haween loogu geesetey degmooyinka Hodon iyo Dharkenley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliska Gobolka Banaadir oo howlgalo ka sameyay magaalada muqdisho ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen rag ka dambeeyay dilal haween loogu geesetey degmooyinka Hodon iyo Dharkenley.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen Koox Hubeysan oo Degmooyinka Hodan iyo Dharkenley ku dilay Labo Dumar ah mid kalena ku dhaawacay.

Gen. Cali Gaab ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo Ciddii ka dambeysay Dil Degmada Hodan loogu geystay Haweeney Waayeel ah oo lagu dhex dilay Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Seybiyaano iyo Koox Mooto watay oo doonayay in ay dhacaan Mooto Bajaaj islamarkaana dil iyo dhaawac u geysay Labo Gabdhooda oo Walaalo ah.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayuu sheegay Taliyaha in ay Gacanta ku hayaan Dadkaasi ku howlanaa Falalka Amni daro islamarkaana Sharciga la hor keeni doono.

24kii Saac ee la soo dhaafay ayaa ciidamada amaanka ee dowlada fadareelka soomaaliya howgalo ka sameeyay magaalada muqdisho kuna soo qabtey ragaan dilalka geestey




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip