Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisii oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

0
Saturday May 02, 2015 - 19:47:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisii oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Garowe ee xarunta Puntland kaga soo qeyb galay shirkii labaadee Madasha Wada tashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Garowe ee xarunta Puntland kaga soo qeyb galay shirkii labaadee Madasha Wada tashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.

Shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen madaxda Maamullada Puntland, Jubba iyo Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Hiigsiga 2016, Axdiga cusub, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada qaranka, qeybsiga kheyraadka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale ee caalamka.

Madaxda ayaa shirka kadib ka soo saarey war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo mustaqbalka Soomaaliya la xiriira.

Madaxweynaha oo socdaalkiisu uu qaatey muddo shan maalmood ah, ayaa waxaa garoonka diyaaradaka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip