S/Guud Mohamed Ali Samatar oo Hambalyo udiray Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed isagoo ku sugan magaalada Virginia ee Dalka Mareykanka.

0
Wednesday April 13, 2016 - 14:33:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    S/Guud Mohamed Ali Samatar oo Hambalyo udiray Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed isagoo ku sugan magaalada Virginia ee Dalka Mareykanka.

    S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa hambalyo u diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sannad Guurrada 56-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna dhan kale ugu baaqay in ciidamada Xoogga la Gaadhsiiyo sidii m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa hambalyo u diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sannad Guurrada 56-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna dhan kale ugu baaqay in ciidamada Xoogga la Gaadhsiiyo sidii markii hore ay ahaan jireen.
S/Guud Maxamed Cali Samatar oo warbaahinta Ciidamada Qalabka SIda kula hadlayay aalada Skyp-ka isagoo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ugu horreyn hambalyo diiran u diray ciidammada Xoogga dalka oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay oo ah 12, April 1960 isagoo sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ahaan jireen ciidamamda ugu horreeya Qaaradda Afrika.
S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa tilmaamay in ciidammada Xoogga dalka astaamahooda ay ka mid yihiin in ay shacabka taageeraan, isla markaana ay Difaacaan dalka, isagoo ka sheekeeyay taariikhda ciidammada,xusayna in markii hore lagu aas aasay 17-sargaal kaddibna ay gaareen ciidanka Afrika ugu xoogga badan.
S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa sheegay in ciidammada Xoogga dalka soomaaliyeed ay ahaayeen ciidan hal haddaf leh, waxa uuna intaa raaciyay in hadda loo baahan yahay in lagu dadaallo sidii loo gaarsiin lahaa sidii ay horre ay u ahaan jireen ciidanka.
Waxa uu na tilmaamay in ciidammada dhismahooda aysan ahayn wax sahlan, laakin lagama maarmaan ay tahay in ciidamamda Xoogga dalka ee hadda jira in la Tayeeyo oo lagu dadaallo Tababarradooda iyo dhinac walba oo noloshooda quseysa.
S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa xusay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Taariikhdooda aan si kooban looga sheekeyn Karin, balse uu rajeynayo in ay soo celiyaan sharaftii iyo astaamihii dhabta ahaa ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa ugu dambeyntii ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku boggaadiyay guullaha ay ka gaareen howlgallada ay dalka ka wadaan, waxa uuna dowladda Federaalka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaadato kaalinta uga aadan Tayenta iyo dhismaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip