Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka oo xukuno riday

0
Saturday May 02, 2015 - 19:16:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka oo xukuno riday

    Xukunka maanta ay riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu riday 9 ruux oo 7 ka mid ah ay ahaayeen maleyshiyaad ka tirsan kooxda nabaddiidka ah ee Al shabaab iyo labo askari waxaana xukunku uu iskugu jiraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukunka maanta ay riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu riday 9 ruux oo 7 ka mid ah ay ahaayeen maleyshiyaad ka tirsan kooxda nabaddiidka ah ee Al shabaab iyo labo askari waxaana xukunku uu iskugu jiraa dil xabsi daa.inxabsi sanado ah iyo sii daysmo .

Kaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida gaaashaanle dhexe Xasan

Cabdiraxmaan Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka ay maxkamadu kuriday
ragaan lagu soo eedeeyay dambiyada kala duwan.

" Gacan ku dhiigle Axmed Aweys Xasan waxay ku xukuntay dil toogasho
ah, dable Mahad Axmed oo maqane ah waxaa lagu xukumay xabsidaa in


cabdi Ibraahim Maxamed waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah,
Maxamed Maxamuud Xasan sidoo kale 10 sanno oo xabsi ciidan ah, Ciise
Maxamuud Cali Jimcaale waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah,
Abdi Salaan Axmed Tifow 4.sanno oo xabsi ciidan ah, Cabdi Salal
Maxamed Miidaan 4 sanno oo xabsi ciidan ah,Sheikh Cali Cismaan Shannin
4sanno oo xabsi ciidan ah.wabilaahi towfiiq”

Qareenka u doodaya 4 ka mid ah ragaan maanta maxkamada darajada
koowaad ee ciidanka qalabka sida ay xukuntay Xasan C/lle Farayare
ayaa isagu sheegay in xukunkaas uu racfaan ka qaadanayo oo uu ugudbi
doono maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida

"Anigoo ah garyaqaankii daafacayay nimanka afarta ah ee loo haystay
dilkii sarkuus ka dhacay horana maxkamada waan ugu sheegay in ragaasi
aysan ahayn ragii galay dambigaas waxaan idiin cadaynayaa in aan
maxkamadda sarre isla aadeyno anigoo dacwadeyda u soo bandhigaya si
sharciga waafaqsan”ayuu yiri Xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip