War murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo laga soo saaray shirkii wada tashiga Garowe

0
Saturday May 02, 2015 - 19:02:40 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo laga soo saaray shirkii wada tashiga Garowe

    War murtiyeed ka kooban todobo qodob ayaa laga soo saaray shirkii wada tashiga ee labadii maalmood u socday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedkada,iyadoo Guddiyo afar dhinac ah ay isla wada gaareen qodobada looga hadlayay shirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War murtiyeed ka kooban todobo qodob ayaa laga soo saaray shirkii wada tashiga ee labadii maalmood u socday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedkada,iyadoo Guddiyo afar dhinac ah ay isla wada gaareen qodobada looga hadlayay shirka.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa saxaafada u aqriyay qodobada lagu heshiiyay, iyadoo Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay soo dhoweeyeen heshiiska.

Inkastoo qodobada ku jira war murtiyeedka lagu heshiiyay, hadana waxaa jira kuwo dib loo dhigay, kuwaasoo markii hore la isku mari waayay, waxaana lagu balamay in qodobada haray looga hadlo fadhiyo kale.

Mid ka mid ah qodobada lagu heshiiyay ayaa dhigaya in ergooyin ka socota Puntland aanay ka qeyb geli karin shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud, taasoo Puntland horay ugu doodeysay in maamul u sameyntaas inay noqoto Koofurta Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale qodobada xaga amniga ah ee lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in Puntland looga qoondeeyay ciidamada xooga dalka ilaa 3,000 askari, iyadoo dowladda dhexe ay xuquuqda ciidankaas la wareegi doonto.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay tahay wax lagu faani karo in madaxda oo kaligeed ah ay danaha Umadda ka shiraan, dabadeedna isku afgartaan arrimaha laga wada hadlay

Sidoo kale Madaxweynayaasha Maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed ayaa iyana sheegay inay ku faraxsan yihiin heshiiskan, ayna soo dhoweynayaan, waxayna sheegeen in kulamo kale la qabto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay wali wadaan safarka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in heer ka wanaagsan ka maanta la joogo ay Soomaali gaari doonto.

Halkan hoose ka akhriso War murtiyeedka:-

war murtiyeed (1)war murtiyeed (2)





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip