Shirka Wada-tashiga oo maanta la soo gabagabeynayo

0
Saturday May 02, 2015 - 09:13:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Wada-tashiga oo maanta la soo gabagabeynayo

    Waxaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo shirka wada-tashiga ee magaalada Garowe uga socda dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo shirka wada-tashiga ee magaalada Garowe uga socda dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada.

Wariye Cabdi Xasan Awoowe oo ka tirsan Radio Muqdisho ayaa ku soo warramaya in masuuliyiinta shirka ka qeyb galaysa in ku howlan yihiin in ay soo gabagabeeyaan kulankan oo maalintii saddexaad galay.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi wasiiro ah oo ka socda xukuumadda ayaa ku sugan magaalada Garowe. Sidoo kale masuuliyiinta Koofur-Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeyb galaya shirkan oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda ee waddanka, oo ay ku jirto dhammaytirka shaqooyinka la xiriira doorashada waddanka ka dhici doonta 2016-ka.

Shirkan waa kii labaad oo ay yeeshaan dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, sanadkaan billowgiisii ayaa shirkii 1aad lagu qabtay magaalada Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip