Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qado sharaf loogu sameeyay duleedka Garoowe

0
Friday May 01, 2015 - 18:53:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qado sharaf loogu sameeyay duleedka Garoowe

    Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam Iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Cameyayaamaanta dooxada Jibagalle oo ku taala duleedka bari ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa qada sharaf ugu sameeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaaseoo ah Isimida Gobolka Nugaal.

Qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Nugaal , duqa caasimadda Garoowe iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aad ugamahadceliyey isimida gobolka Nugaal marti-qaadkooda iyo is-xilqaankoodaba isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahaymid ay caan ku tahay caadimadda Puntland ee Garoowe.

"Maamulka degmada , kan gobolkaiyo Isimada Reer Nugaaleedba xafladdan quruxda badan iyoqadadan aad kusoo dhoweyneyseen walaaleheena martida noo ah iyo annagaba aad nagu marti qaaddeen waad ku mahadsan tihiin, soo dhoweyntu wa mid lagu yaqaan Puntland iyo Garoowe, waana waajib aad gudateenoo martida idiin timi ee walaalihiin ee idin soo booqatay inaad soodhoweysaan waajib idin saaran buu ahaa waanad ku mahadsantihiin” ayuu yiri madaxweyne gaaas.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaaisuguna dhankiisa uga mahadceliyey isimida gobolka nugaal iyo dhammaanba bulshoweynta gobolka nugaal soodhoweynihii kala duwanaa iyo qada sharaftan maanta ee ay usameeyeen Isimada dhaqanka eegobolka nugaal.

IMG_9786IMG_9795IMG_9812IMG_9819IMG_9820IMG_9840IMG_9935




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip