Gen Bashiir Bile Bilad buu Mudan yahay (Warbixin)

0
Wednesday April 06, 2016 - 12:56:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen Bashiir Bile Bilad buu Mudan yahay (Warbixin)

    Waa Shaqsi Daacad ah Naxariis badan Dadka Qadariya oo aan Islaweyneyn lehna Soo Jiidasho waxa uu ku Caan Baxay in uu u Naxariisto Dadka Dhibanayaasha ah ee la Dulmiyey mana ogola Xadgudub iyo Musuq Maasuq .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Shaqsi Daacad ah Naxariis badan Dadka Qadariya oo aan Islaweyneyn lehna Soo Jiidasho waxa uu ku Caan Baxay in uu u Naxariisto Dadka Dhibanayaasha ah ee la Dulmiyey mana ogola Xadgudub iyo Musuq Maasuq .

Xilal kala Duwan ayuu kasoo qabtay Dowladahii Dalka soo maray isagoona lagu Xasuusto in uu la yimid waxqabad Muuqda oo uu ka sameeyey dhamaan Xarumihii Dowladeed ee uu kasoo Shaqeeyey .

Waxa uu kasoo Shaqeeyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoona ka Noqday Taliye ku xigeen sidoo kale waxa uu ka shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Wasaaradda Arrimaha Bulshada ,Taliska Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo uu hadda ka yahay Taliye .

Waxyaabaha lagu Xasuusto waxaa ka mid ah markii uu Ahaa Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa waxa uu qabtay Waxyaabo badan oo Muuqda

markii Xilka taliskaasi loo Dhiibayey ayaa waxaa jiray Dulduleelo badan oo u baahnaa sixid isagoona ku Guuleystay in uu dib u habeyn iyo qalabeynba uu ku sameeyo Xarumaha iyo Ciidanka NISA

Sida uu u Hagaagi lahaa Amniga Magaalada Muqdisho ayuu Xoogga Saraay S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac waxaana uu Sameeyey Ciidamo si aad ah u tababaran oo ku guuleystay in ay Xaqiijiyaan Amaanka Muqdisho iyagoona hantay Quluubta Muwaadiniinta Soomaaliyeed .

Waxa uu isku Xiray Taliyaha Bulshada Soomaaliyeed iyo Ciidanka NISA iyadoona ay dhici jirtay in Shacabka ay soo sheegaan Dhagarqabayaal Falal Argagixisinimo ku Howllanaa taasina ay ku timid Markii Gen Bashiir Dadku ay arkeen in uu yahay Geesi ay ka Go’an tahay Waxqabad .

Waxaana Ciidanka NISA markii ugu Horeysay Burburkii ka dib Gen bashiir Waxqabadka iyo Shaqada Ciidanka uu gaarsiiyey Dhamaan Gobolada Dalka .

Maxuu Qabtay S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac markii Taliska Ciidanka Asluubta loo Dhiibay

Waxa uu u yimid Talis ay ka jiraan Baahiyo Badan oo dhan walbo ah iyo Ciidan ku shaqeynaya Marxalad aad u Adag makii uu Xilka la Wareegay waxa uu Durbadiiba Bilaabay in uu Shiriyo Saraakiisha iyo Madaxda Hogaanada Ciidanka Asluubta isagoona ka Xogwareysanayey Xaalada ay ku Shaqeeyaan sida ay Tahay .

Kulamo iyo Xog Aruuris kadib Taliyaha waxa uu Ogaday in Taliska uu u Baahan yahay Samatabixin isagoona qaatay Go’aan ah in Isbadal deg deg ah uu sameeyo .

Go’aankii Koowaad waxa uu ka dhigay Sixida Darjooyinka oo muhiimada Kowaad ahaa Qalabeynta Ciidanka sameynta Xarun ku Meel gaar ah oo uu Taliska Yeesho maadaama uu Ciidanka ay ku shaqeyn jireen Xabsiga dhaxe ee Xamar sidoo kale Taliska ayaa hadda ku Hoolan in uu Datactiro Xaruntii Ciidankaasi oo ku Burburtay Colaadii Dalka ka dhacday .

Baahi weyn ayuu Taliska u qabay dhanka Gaadiidka Waxa uuna keenay Gen Bashiir Gaadiid Ciidan oo isugu jiro yar yar iyo Waaweyn kuwaasi oo Daboolay Baahidii dhanka Gaadiidka ay u qabeyn Ciidanka .

Maxaabiista Xasiga dhexe ku xiran maxuu u qabtay Gen Bashiir

(marabno Xabsiyadeenu in ay Noqdaan kuwa lagu Cadaabo Maxaabiista ee waxaan rabnaa in ay Noqdaan Xarun waxbarasho iyo Farsamada Gacanta lagu baro Maxaabiista)

Oraahdan waxa ay Halheys u aheyd Gen Bashiir Maxamed Jaamac hadaba maka dhabeeyey Oraahdan ?

S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa isku Hoolay oo Shaqada Koowaad ka dhigay sidii Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran uga bixin lahaa Dhibka iyo Daruufaha Gaarka ah ee heysta .

Waxa uu Dhisay isagoo Kaashanaya Hay’ado Xabsiga dhexe qeybta Garsugayaasha ah oo aad loo qalabeeyey iyadoona Qolalka Xabsiga dhexe ee Xamar uu ka Hirgaliyey Shaashado TV oo Maxaabiista u sahlaya in si fudud ay ula socdaan Wararka Caalamka iyo sidoo kale Ciyaaraha .

waxaa Dhismo uu ku socdaa Xarun Warshad ah oo loogu talo galay in Farsmada Gacanta lagu Barro Maxaabiista iyo sidoo kale waxaa Dhismahiisu uu socdaa Xabsi Cusub oo laga dhisayo Xarunta Ciidanka Asluubta ee EX Control Afgooye kaasi oo loo dhisayo Qaab Casri ah islamarkaana leh Qolal Casri ah ,Goobo Waxbarasho ,Xarumo lagu Baranayo Farsamada Gacanta iyo Qeyb kale oo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku ciyaaraan Kubada Cagta .

Waxaa Jiray Maxaabiis Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiraan oo loo heystay Lacago ay siyaabo kala Duwan u qaateen kuwaasi oo sanado badan Xabsiga isaga xirnaa

Gen Bashiir ayaa qaaday Talaabo lagu so deynayo Dadkaasi isagoo Bixiyey dhamaan Lacagihii loo heystay .

 

Dhanka Barbaarinta Caruurta Agoonta ah Gen bashiir maxuu ka qabtay .

Markii ugu Horeysay ayey Aheyd Dhowr iyo Labaatan Sano ka dib Markii Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka lagu Arkay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo aruurinayo Ciyaalka Koola Dhuuqa iyo kuwa Agoonta ah si loo Barbaariyo oo loogu sameeyo Xanaaneyn iyo Waxbarasho .

In kabadan 300 Boqol oo Caruur ah ayuu hadda Taliska Gacanta ku hayaa iyagoona Helay Waxbarasho iyo Barbaarin aad u wanaagsan maadaama Ciidanka Asluubta ay qeyb weyn ku lahaayeen Korinta iyo Kobcinta Maskaxda Caruurteena Soomaaliyeed .

Iyadoona ay Xusid mudan tahay in Taliska Asluubta uu leeyahay Macalimiin Aqoon leh iyo Qubaro Taqasus u leh Barbaarinta Ubadka .

 

 

Bashiir-Goobe

 

 

????????????????????????????????????

12108087_481465902037155_5742226675231278879_n

 

12670823_485022501681495_3597454206999658125_n

 

10250036_479278202255925_3094412337617231045_n

12495077_483142771869468_7834512161750239392_n

12038367_483142808536131_1207448435734709004_n

12670820_486838531499892_8629765112557600697_n

413_476643615852717_2491932379794201341_n

W/Q : Wariye C/Raxmaan Maxamed Gacan .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip