Degmada Yaaqshiid oo lagu soo qabtey rag ka tirsan al-shabaab

0
Wednesday April 06, 2016 - 12:14:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Yaaqshiid oo lagu soo qabtey rag ka tirsan al-shabaab

    Ciidamada Ammaanka ayaa howl gallo ballaaran xalay ilaa saaka waabarigii ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, iyadoo howl galkan lagu qab-qabtay boqolaal ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka ayaa howl gallo ballaaran xalay ilaa saaka waabarigii ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, iyadoo howl galkan lagu qab-qabtay boqolaal ruux.

Howl galkan ayaa waxaa si wada jir ah uga qeyb qaadanayay Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Booliska AMISOM, Ciidamadaasi oo loo yaqaano G,O,C,C waxayna mid mid u baarayeeny guryaha .

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaran C/kaamil Macalin Shugri oo la Hadley idaacada ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegey Howlgal xalay ilaa saakey ka socdey degmada Yaaqshiid lagu soo qabtey dad gaaraya ku dhawaad 17 ruux oo ka tirsan kooxda al-shabaab

"Howl galkan waxaa uu qeyb ka yahay howl galada amniga lagu xaqiijinayo, degmo walbana waa laga sameynayaa, 550 ruux lagu soo qabtay, markii baaritaan la marsiiyay kadib laga soo reebay 17 ruux oo uu tuhun ku jiro, iyagana waa la baarayaaā€¯ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

C/kaamil Macalin Shugri oo sii hadlayay ayaa waxa ka Hadley howlagalada ka socda Gobolada dalka ee lagu bartilmaameysano goobaha ay wali ku sugan yihiin koox al-shabaab isagoona tilmaamey in howlgaladaasi laga gaarey guul wa weyn

Ciidamada Dowlada Fadareelka soomaaliya oo kaa shanaya kuwa nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka soomaaliya ayaa ka wada gud aah gobolada dalka howlagalo lagu baacsanayo maleyshiyada al-shabaab waxana lagu guuleestey in maleyshiyaad fara badan gacanta lagu soo dhigo kuwa kalene la dilo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip