Howlgallo lagu soo qab qabtay dad looga shakisan yahay kooxda al-shabaab oo ciidamada amaanka ay sameeyeen muqdisho+Sawiro

0
Tuesday April 05, 2016 - 17:57:50 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo lagu soo qab qabtay dad looga shakisan yahay kooxda al-shabaab oo ciidamada amaanka ay sameeyeen muqdisho+Sawiro

    Howlgalkaan ciidanka amniga ay ka sameyeen degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir waxaa looga gol lahaa xaqiijinta amniga caasimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkaan ciidanka amniga ay ka sameyeen degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir waxaa looga gol lahaa xaqiijinta amniga caasimada.

Intuu uu socday hoowlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay ku dhawaad 500 oo qof sida uu u xaqiijiyay Radio Muqdisho Afhayeenka Wasaaradda amniga Gudaha Cabdikaamil Shukri Maxamed.

"Waxaana lagu soo qabtay dad ka badan 500 oo qof dadkaasi waxaa lagala baxay 10 neeyo ruux, in ka badan waxaana looga gol leeyahay in lagu sugo amniga caasimadda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab”

Dhanka kale Afhayeenka Wasaarada amniga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan qataraha ka imaan kara kooxaha dhagarqabayaasha

"Laamaha amniga waxa ay helayaan in dhagarqabayaashu ay doonayaan in ay dhibateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, marka si looga hortago, waan xoojineynaa howlgallada ka dhanka ah maleehishaadka Al-Shabaab.”

Ciidanka ammaanka ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan qataraha ka imaanaya kooxa nabadiidka ee Al-Shabaab.

DSC00693DSC00698DSC00701DSC00702DSC00704DSC00705DSC00706DSC00709DSC00710DSC00712DSC00713DSC00716DSC00717DSC00719DSC00723DSC00724DSC00726DSC00727DSC00732DSC00734DSC00735DSC00736




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip