Gabar Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay ka mid noqotay booliska Maraykanka.

0
Friday May 01, 2015 - 11:28:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay ka mid noqotay booliska Maraykanka.

    Gabadhii ugu horeysay ee Somali ah ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa 7 qof oo Somali ah boolis ah oo gobolkaaas ka howlgala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadhii ugu horeysay ee Somali ah ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa 7 qof oo Somali ah boolis ah oo gobolkaaas ka howlgala.



Qadra Maxamed, oo 22 jir ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan shaqaaleysiiyay, qeybta booliska ee Magaalada St. Paul ee gobolkaasi, laakiin haatan ayey si rasmi ah ugu biirtay, qeybta booliska ee Metro-transit Police loo yaqaan oo ka howgalaya magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis oo ay ku noolyihiin Somalida ugu badan Mareykanka.

Khadra ayaa loo ogolaaday inay shaqadeeda gudato iyadoo weliba xiran xijaab.

Waxaana arintan ay ku soo beegmeysaa, iyadoo dhawaan Ismahan Isse, oo ah gabar somaliyeed oo 29 sana jir ah oo ka soo baxday akaemiyada booliska magaalada Kolombus ee gobolka Ohio ay isaga hartay, damaceedii ahaa inay boolis noqoto, iyadoo u sababeysay in siyaasadaha booliska gobolka aaney ogoleyn in xijaab ay ku shaqeyso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip