20-JIRRADA SOOMAALIYA IYO ETHIOPIA OO MAANTA ISWAJAHAYA

0
Sunday April 03, 2016 - 12:50:40 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20-JIRRADA SOOMAALIYA IYO ETHIOPIA OO MAANTA ISWAJAHAYA

    Ciyaartoyda Da'doodu ka yartahay 20-jirrada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan adag la qaadan doonaan kuwa dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaartoyda Da'doodu ka yartahay 20-jirrada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan adag la qaadan doonaan kuwa dalka Ethiopia.

Kulanka oo ka tirsan CAF Un-20 ama koobka qaramada Afrika ciyaartoyda ka yar 20-jirrada ayaa noqon doona mid aad u xiiso badan, waxaana Sanadkan xiddigaha Qaranka Metelaya hor Boodaya macallinka dhowaan dib loo magacaabay Maxamed Cabdulle Farayare.

Xulka ayaa waxaa ka muuqday wejiyo ku cusub, kuwaas oo laga kala kexeeyay 10-ka kooxood ee Horyaalka dalkeena Heerkiisa hore ciyaara.

Min 3 xiddig waxaa ku leh xulka Heegan, Jeenyo iyo Gaadiidka, Dekedda iyo Elman ayaa min 2 ku leh. kooxaha Banaadir SC, Saxafi, Fc Muqdisho, Horseed iyo Signjet ayaa dhankooda min 1 ciyaartoy ku leh xulka Qaranka.

Marka ay saacaddu Galabta tahay 04:00pm ayaa kulanka labada xul la Baasan doonaa, kaasoo ay ciyaartoyda Qaranka Dalkeena diyaar garowgii ugu dambeeyay u sameynayeen tan iyo Khamiistii oo ay gaareen Addis Ababa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip