Maraykanka oo sheegey in ay gacan weyn ka geesteen dilkii Xasan Cali Dhoorre

0
Saturday April 02, 2016 - 07:15:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo sheegey in ay gacan weyn ka geesteen dilkii Xasan Cali Dhoorre

    Maraykanka ayaa sheegay in duqaymo uu ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka ayaa sheegay in duqaymo uu ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in ay diyaarad bilaa duuliye ahi weerar ku qaaday meel u dhow magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya.


Waxa weerarku bartilmaameedsaday Horjooge Xasan Cali Dhoorre oo ah xubin sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu tuhunsanaa inuu maleegay qarax ka dhacaygaroonka diyaaradaha Muqdisho iyo hoteel magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay.

Khubarada Pentagon-ka ayaa weli dersaya sidii weerarkaasi u hir galay.



Weerarkani waxa Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya dhowr todobaad uun ka dib weerar hore oo ay si abaabulan u fuliyeen diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa Drones-ka loo yaqan


Af-hayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay in Dhoorre uu qorshaynayey weeraro kale oo ka dhan ah muwaadiniinta Maraykanka ah ee jooga magaalada Muqdishu. Xasan Cali Dhoore ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaatka Maleyshiyaadka Al-Shabab. Laba nin oo kale ayaa la sheegay inay la dhinteen.


Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in hawl-gal ay xalay ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan tuulada Tooratoorow lagu dilay afar Horjooge oo ka tirsan Al-Shabab oo uu ka mid yahay Xasan Cali Dhoore oo abaanduuluhu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca amniyaatka.


Xasan Cali Dhoore, waxaa horay madaxdiisa lacag u dul dhigtay dawladda Soomaaliya, wuxuuna madax ka ahaa sirdoonka Shabaab ee fuliya dilalka qorshaysan ee gobolka Banaadir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip