Ciidamada kumaandooska Xooga dalka Soomaaliyed oo diley Horjooge hore Madaxiisa Loo duqdhigey lacag

0
Friday April 01, 2016 - 19:23:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada kumaandooska Xooga dalka Soomaaliyed oo diley Horjooge hore Madaxiisa Loo duqdhigey lacag

    Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa uxaqiijiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA in hawl-galkii xalay ee Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Shabeellaha hoose ay ku Dileen Horjooge sare oo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa uxaqiijiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA in hawl-galkii xalay ee Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Shabeellaha hoose ay ku Dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Xasan Cali Dhoore oo Kooxdaasi u qaabilsanaa Amniyaadka, iyo Toboneeyo Maleeshiyaad ah oo lasocday.

Taliyaha ayaa sheegay in Horjoogahaasi baadi goob laguhayay dhaqdhaqaaqiisuna ay ciidamada soomajeestayaasha ku maandosta ee ciidanka X.D.S ay ku raad joogeen ka dibna lagu dilay hawlgal ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada kumaandoosta ayaa ah kuwo u taagan iney ka difaacan shacabka soomaaliyeed cadawga dhibaateynaya Abaanduulaha xoogga dalka soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed oo u waramayay wakaalada wararka sona ayaa arintaasi ka war bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo qasaarihii la gaarsiiyay maleeshiyaadkii ka tirsanaa Kooxda ugus

Horjoogahaan ayaa waxaa horay Madaxdiisa ay duldhigtay Dawladda Soomaaliya lacag ,wuxuuna waxa uuna maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka Amniyaatka ku waa oo ah waxma-garatada fulisa Dilalka Qorshaysan.

Hawlgalkaan ayaa ahaa kii labaad oo maalmo kooban gudahood ay ay Ciidamada Kumaandoosta ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha hoose.

Dilka Horjoogahaan ayaa waxy Kooxda ugus u noqoneysaa dharbaaxo wayn oo soo gaartay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip