Horjogayaal Sare ka tirsan Al-shabaab oo lagu diley Degaanka Janaaale ee Gobolka Shabellaha hoose

0
Friday April 01, 2016 - 18:06:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjogayaal Sare ka tirsan Al-shabaab oo lagu diley Degaanka Janaaale ee Gobolka Shabellaha hoose

    Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Maleyshiyada kooxda shabaab ayaa ka socdaa Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Maleyshiyada kooxda shabaab ayaa ka socdaa Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Dagaal yahano maleyshiyaaad ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo marayay Nawaaxiga Degaanka Janaale.

Wararka aan ka heleyno Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi qasaaro lagu gaarsiyay maleyshiyaadkii kooxda UGUS.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xooga dalka oo la soo xariirey Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegey in ay dileen ku dhawaad in ka badan 10 horjooge halka maleyshiyaadka ay ka badanyihiin intaasi.

Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISON ayaa hada Howlgal balaraan ka wada degaanka Janaale iyadoo dadka degaanka ka helayaan xogta ku aadan maleyshiyaadka ku dhax dhuumaaleysanyo xaafadaha ay ka kooban tahay degaanka janaale

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip