RW Cumar ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed

0
Friday May 01, 2015 - 11:14:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Cumar ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed

    Muqdisho, 01, May, 2015….Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u dirayaHambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalahaSoomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 01, May, 2015….Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u dirayaHambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalahaSoomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in aynoqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaanxuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda.

"Maalinta Shaqaaluhu waa maalin caalami ah oo aduunka dhan loogadabaal dago, waa maalin la xuso guulaha ay soo hoyiyeen ururradashaqaalaha; waana maalin lagu xuso halganka ay shaqaaluhu ugu jiraaniney bulshooyinkooda ka saaraan fakhriga.Waxaan halkaan uguhambalyeeynayaa dhamaan shaqaalaha dowaladda iyo kuwa rayidka ah ooisugu jira rag iyo haween, waxaanna ku amaanayaa howl-karnimada aymuujiyeen iyo dadaalkooda ku aadan iney horumar gaarsiiyaanbulshadooda” ayuu yiri RW Cumar.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay iney ka go’an tahay


xukuumadiisa in shaqo loo abuuro dhalinyarada ka qalin jabisayjaamacadaha, xirfadlayda iyo xoogsatada Soomaaliyeed.

"Kal fadhigii golaha wasiirada ee dhacay khamiistii la soo dhaafaywaxaa lagu ansixyey sharciga lagu dhaqayo shaqaalaha ajaanibta ah eeka howlgala dalka, waxaa sharcigaas qeexayaa in dadka ajaanibta ahaysan dalka ka shaqayn karin iyagoon haysan ruqsado shaqo, islamarkaan aysan qaban karin shaqo xirfadeed qof Soomaali ah uu qaban
karo, taas macanaheedu waxaa weeye in mudnaanta la siiyo dadkaSoomaaliyeed oo shaqo la’aantu hayso, siyaasada xukuumadu waa in looabuuro shaqooyin aqoon yahanka iyo xirfadlayda Soomaaliyeed” ayuu yiri
RW Cumar
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dhalinyaradu ay yihiin
lafdhabartii dalka, loogana fadhiyo iney qayb muhiim ah ka qaataan dibu dhiska dalka, ogaadaana wadan kasta oo gaaray horumar iney hormuud uyihiin dhalinyaradiisa.

"Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalkaan, shucuub kasta oo ku
tilaabsatay horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxaa laf-dhabar uahaa dhalinyaradiisa, waana inaan meel uga soo wada jeedsanaa sidiidalkaan aan uga dhigi lahayn mid amaan ah, oo noo saamixi kara iney
yimaadaan shirkado maalgashi ku sameeysta, si dhalinteena loogu abuuroshaqooyin”ayuu yiri RW Sharmarke

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu baaqay shirkadahagaarka loo leeyahay iney xil weyn iska saaran sidii shaqo ugu abuurilahaayeen Ardayda ka qalin jabisay Jaamcadaha isla markaan dadka
shaqaalaha u ah ugu diyaarin lahaayeen goobo caafimaad ahaan iyobaadbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado ineysandhibaatooyin soo gaarin shaqaalaha xiliyada ay shaqada ku gudajiraan.

—DHAMAAD—-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip