Madaxweynaha oo sheegey in sanadkaan gudihiisa lasoo afjari doono dagaalka al-shabaab

0
Friday April 01, 2016 - 11:58:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo sheegey in sanadkaan gudihiisa lasoo afjari doono dagaalka al-shabaab

    Madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay Magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar oo looga hadlayay barnaamijka dalkaada dhiso ayaa sheegay in Xalay Ciidamada Qalabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay Magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar oo looga hadlayay barnaamijka dalkaada dhiso ayaa sheegay in Xalay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ay qaadeen Dagaal ka dhan ah Al-shabaab,kaas oo lagu qaaday Qeyb badan oo ka mid ah Gobolada Dalka ee ay ku sugan yihiin Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Howlgaladaas waxii ka soo baxa Maanta lala wadaagi doono Warbaahinta, islamarkaana Dagaalka Al-shabaab uu socon doono ilaa laga soo Afjaro.

"Al-shabaab waa Cadawga Koowaad ee Ummadda Soomaaliyeed ma dhaafayaan Qof weyn iyo Qof yar midna,ma dhaafayaan Culimo iyo Hooyo Soomaaliyeed iyo Caruur intaba,waa in la iska qabtaa oo lala Dagaalamaa Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed oo isku duuban”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

"Dad Masaajid lagu Tukanayo Salaadii Alle Qarxiyay waxa laga sugayo waa Maxay,diin laawayaal aan Xishooneyn. Dowladda Soomaaliyana wey soo Afjari doontaa inta ka harsan Shabaab”ayuu hadalkiisa sii raacsaday Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay madaxweynaha in ay rajeynayaan dagaaladaasi ay ku qaadeen ururka Al-shabaab ay ka guuleysan doonaan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan qarin Al-shabaab, waxaana uu sidoo kale sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in aysan xabsiyada ugu daba tagin Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip