Wasiirka Amniga Puntland oo sheegey in Dhawaan ay Bilabayaan Wajiga Labaad ee dagaalka Al-shabaab

0
Thursday March 31, 2016 - 17:41:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Puntland oo sheegey in Dhawaan ay Bilabayaan Wajiga Labaad ee dagaalka Al-shabaab

    Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xisri Cali (Qarjab) oo warbaahinta shir Jaraa'id ugu qabtay Garowe ayaa sheegay in Puntland ay hadda soo afjartay dagaalkii fool-ka-foolka ahaa ee Maleyshiyada Al-shabaab qabtiisii kowaad, islamarkaana hadda uu dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xisri Cali (Qarjab) oo warbaahinta shir Jaraa'id ugu qabtay Garowe ayaa sheegay in Puntland ay hadda soo afjartay dagaalkii fool-ka-foolka ahaa ee Maleyshiyada Al-shabaab qabtiisii kowaad, islamarkaana hadda uu dhiman yahay qaybta labaad ee dagaalka, oo uu ku sheegay in ciidamada amaanku magaalooyinka kasoo qab-qabanayaan dad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Cabdi Xisri ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago falalka Al-shabaab, isagoo ku dhiiri galiyey ka qayb qaadashada qaybta labaad ee dagaalka Al-shabaab, oo ciidamada ku caawiyaan inay xogta la wadaagaan.


Qarjab ayaa sheegaya in Hoteelkii uu dago qof aan lahayn warqad cadayn ah, falkuu gaysto, waxaan u Kaxeyneynaa cidda Hotelka iska leh ayuu yiri sidoo kale dadka laga kireeyo guryaha ayuu sheegay in laga feejignaado.



Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sidoo kusoo Hadal qaadey weerarkii maanta ka dhacay Gaalkacyo ee lagu diley Siciid Cali Yusuf, wuxuu sheegay in ninka weerarka fuliyey ahaa qof la garanayo wejigiisa.


Wasiirka ayaa soo jeediyey in dadka aan la garaneyn ee la shaqaaleysiiyo looga baahan yahay damaanad, waxaana uu ka digey in la shaqaaleysiiyo dad aan la garanyn, ama guryo laga kireeyo.


Guryaha laga kireeyo ayuu sheegay in lala wareegayo oo dowladdu la wareegayso.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip