Dowlada Maraykanka oo sheegtay iney maxaabiis kasii dayndoonto Xabsiga Jaziirada Cuba ay Ka Sameysatay ee Guwantanamo.

0
Thursday March 31, 2016 - 11:30:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Maraykanka oo sheegtay iney maxaabiis kasii dayndoonto Xabsiga Jaziirada Cuba ay Ka Sameysatay ee Guwantanamo.

    Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) oo saxaafada xog siiyey ayaa sheegay in dhawaan koox Cusub oo ka tirsan maxaabiista ku xiran Xabsiga Guwantanamo lasii deyn doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) oo saxaafada xog siiyey ayaa sheegay in dhawaan koox Cusub oo ka tirsan maxaabiista ku xiran Xabsiga Guwantanamo lasii deyn doono.

Tirada Maxaabiista lasiin deyn doono maalmaha soo socda ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay 10 maxbuus, kuwaasi oo la sheegay in la geyn doono labo wadan oo kala duwan, walow aan la shaacin dalalka lagu wareejin doono maxaabiistaasi.

Xabsiga Guwantanamo ayey weli ku xiran yihiin 91 maxbuus, waxaana marar badan isku dayey inuu xiro Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama oo horey arrintaasi u balanqaaday. Balse xisbiga Jamhuuriga ayaa si weyn uga soo horjeeda in xabsigaasi la xiro, isla markaana hor istaagay qorshihii xukuumada soo hordhigtay Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa dadaal ugu jira in maxaabiista xabsiga ku jirta halkaasi laga siidaayo inta aanu dhamaan wakhtiga uu xilka hayo oo ku eg bisha Janaayo ee sanadka 2017-ka.

Xabsigaasi oo ay furtay xukuumadii ka horeysay ee uu Hoggaaminayay George W Bush kadib weeraradii September 11 2001, ayaa waxaa jirdil xoogleh loogu geystay maxaabiista ku xiran oo intooda badan aan wax danbi ah lagu soo oogin in ka badan 10 sano oo ay halkaasi ku xirnaayeen.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip