Taliyaha booliska oo booqdey ardayda imtixaanka looga qaadayo Dugsiga Janaraal Kaahiye

0
Thursday March 31, 2016 - 09:23:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha booliska oo booqdey ardayda imtixaanka looga qaadayo Dugsiga Janaraal Kaahiye

    Saraayo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha ciidanka booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qorshahan ardayda ka soo baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka loogu biirinayo booliiska ay tahay mid taliska uu ku doonayo in uu ku tayee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraayo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha ciidanka booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qorshahan ardayda ka soo baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka loogu biirinayo booliiska ay tahay mid taliska uu ku doonayo in uu ku tayeeyo aqoonta ciidanka isla markaana dhalinyarada fursad loogu siinayo in ay ka qeyb qaataan u adeegidda qaranka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in taliska uu baafiyay arintan bilowgii sanadkan si ardayda doonaysa in ay kamid noqodaan ciidanka booliiska Soomaaliya ay fursad ugu helaan, isagoo tilmaamay in u jeedada ay tahay in la helo dhalinyaro aqoon u leh sharciyada booliiska dalka maadaama saraakiishii hore da’ ahaan weynaadeen.

"Runtii arintaan ogeysiiskeeda waxaa la bilaabay 25 kii January ilaa Febraayo ayay socotay marka dambe waxaan ogaanay in waqti badan loo baahan yahay ilaa Maarso dhexdeeda ayaa wadnay, dhalinyaro badan oo gaaraya 200-300 ayaa keensatay arjigooda iyo shahaadooyinkooda waa la kala xuley shahaadooyinkii qaar badan waxaa ay noqdeen kuwo aan sax aheyd wasaaradda inta ay xaqiijisay waxaa ay noqdeen ku dhowaad 200,” ayuu yiri taliyaha.

Sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaanka laga qaadayo ardayda uu yahay mid lagu xaqiijinayo aqoontooda isla markaana maadooyinka Chemistry, Biology, Farta Soomaaliga, English iyo Carabiga laga qaadayo ayna tahay arin nidaami ah oo shakhsiga lagu hubinayo aqoontiisa.

Sanadkii hore bishii Luulyo ayaa sidan oo kale taliska uu qaatay arday ka soo baxday dugsiyada iyo jaamacadaha dalka kuwaas oo hadda tababar ugu kala jira dalka iyo dibadiisa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip