Qarax Ismiidaamin ah oo Qasaaro geystay Oo Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug

0
Thursday March 31, 2016 - 09:23:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Ismiidaamin ah oo Qasaaro geystay Oo Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug

    Qarax xoogan ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug balse Rasaas ayaa la maqlayay qaraxa kadib weerar gaasi ayaa aha mid u muuqday ismiidaamin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xoogan ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug balse Rasaas ayaa la maqlayay qaraxa kadib weerar gaasi ayaa aha mid u muuqday ismiidaamin.

Ciidamada amanka ee maamulka Puntland ayaa gaaray halka uu weerarka ka dhacay qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay hoteelka lagu magacaabo Hotel Uunlaay oo qudhiisa uu bur-bur soogaaray.

Qarax ismiidaaminta ah ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac waxa ayna wararku sheegayaan iney goobtaasi ku geeriyoodeen lix ruux halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen Qofka qaraxa geystay ayaa la xaqiijiyay inuu xirnaa walxaha qarxa uu isku qarxiyay meel ay dad fadhiyeen oo ku dhow hotelka.

Warfidiyeenada ayaa sheegaya in dadka ku geeriyooday goobta uu ka mid ahaa Wakiilkii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf oo lagu naaneyso Saciid Gaade Yare.

Qaraxan ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maamulka Puntland ay sheegtay inay sare u qaaday ammaanka magaalooyinka, markii ay soo afjareen howl galadii ay ku baacsanayeen maleeshiyada Al-Shabaab ee bartamihii bishan doonyo ku gaaray xeebaha maamul Goboleedka Puntland.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip